Wasiir Maareeye "Hadii la Dhakro Somaliland ana waan tagayaa"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaabka loo galayo wada-hadalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland kaasoo la filayo in bisha soo socota uu ka qabsoomo waddanka Jabuuti.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo khamiistii lasoo dhaafay ka qayb galay shir looga hadlayay doorashada dalka ka dhacaysa sannadka 2020 ee la doonayo in lagu saleeyo qof iyo cod, ayaa kasoo horjeedsaday hadal kasoo yeeray guddoomiyaha guddigaas oo tiri "Waxaan safar ku tagnay dhammaan gobollada dalka Soomaaliya".

"Hada halkan Xaliimo waxay ka tiri, goboladoo dhan baanu tagnay, xaasaasi weeye, goboladee, gobollada Koonfurtoo dhan baanu tagnay inay tiraahdo waaye, ka taxadar Guddoomiye, waa wax la isku qabsanayo, waa wax kuu keenaya in dad sii dido, oo yiraahdaan goboladeed tagtay gabadhu, marka waa inaad si gaar ah u sheegtaa gobollada aad tagtay, sidaas ayaad hogaamiye sax ah ku tahay, saas ayaa run ah, saas ayaa waxa kale ee kugu dhima kuugu hagaayaan, waa iga dar-daaran hagaajin waaye," ayuu Xayir.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu ka digay in gobollada Waqooyi noqdaan kuwo laga xukumo gobolka Banaadir, balse ay tahay mid u baahan in laga fiirsado si gooni ahna loola tacaamulo, "Somaliland arrinteedu waa arrin gaar ah, taxadar u baahan, u baahan inaan laga dhigin Xamar Hargaysa."

Xayir ayaa ku goodiyay inuu ka tagi doono dowladda Federaalka hadii uu la dhakro maamulka Soomaalilnd, maadaama sida uu sheegtay yahay wakiil siyaasadeed oo u taagan dadka raadinaya midnimada umadda Soomaaliyeed.

"Anigu waxaan ahay wakiil siyaasadeed oo u taagan midnimada, laakiin dadkii iyo dalkii waa la iga haystaa hade ogaada, waxaan doonayaa inaan u taagnaado in dad Soomaaliyeed oo midnimo raba wali jiraan, hadaan u arko in la sii dhakrayo, ana waan tagayaa, waa in daacad laga yahay habkaas, waa in daacad laga yahay wada-hadalada, waa in daacad laga yahay Soomaaliland inay ku timaado wada-hadal ku yimid is-faham, heshiis iyo wax wada-qaybsi ee aysan ku imaan dowlad bac ah oo Koonfurta laga sameeyo, may yaysan ku imaan, way ku sii didayaan, wada-hadalada ayaa sii bur-buraaya, waxba kuma gaarayno," ayuu wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaan Soomaaliland.

Maxamed Cabdi Xayir, ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya uga digay inay gacmahooda ku bur-buriyaan dedaalada socda iyagoo isku deyaya in gobolka Banaadir lagu matalo Soomaaliland.

Sidoo kale wuxuu goobta ka sheegay in gobolka Banaadir uusan helin matalaad siyaasadeed isagoo waliba ku tilmaamay inuu yahay gobol marti galiyay dowladda dhexe.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Xasan Cali Khayre oo ku aadan hadalka kasoo yeeray wasiir Maaree kaasoo ku soo beegmay xilli la filayo in wada-hadal dhexmaro DFS iyo Soomaaliland.

Arrintan ayaa dhabaha u xaaraysa qorshe ay dabada ka riixayaan siyaasiyiinta xilalka ka haya Muqdisho ee kasoo jeeda Somaliland oo raadinaya in wada-hadalka u dhaxeeya labada dhinac uu kasoo baxo heshiis ka duwan nooca Federaalka ee ka jira Soomaaliya maanta. Siyaasiyiintaan ayaa qaba in dalka Soomaaliya lagu saleeyo awood qaybsi ku saleysan Koonfurta Soomaaliya iyo Woqooyiga iyadoo Somaliland la siinayo madax banaani maamul oo ka awood badan midda nidaamka Fedraalka ee hadda jira. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM

Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    14-04-2024

  • 11:27AM