Wasiirada arrimaha dibada Somalia iyo Kenya oo shir ku leh Mandheera

Image
Image

MANDHEERA - Wafdi ay kala hogaaminayaa wasiirada arrimaha dibadda dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Kenya ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaalada Mandheere oo ku taala sohdinta labada wadan.

Lama oga ujeedka socdaalka Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma, balse, waxay kusoo aadayaa iyada oo dalalkaan uu ka dhaxeeyo muran ku aadan darbi ay xukuumada Nairobi halkaasi ay ka dhisayso.

Wararka ayaa tibaaxaya in mas'uuliyiintaan oo kulmi doono ay booqan doonan halka laga dhisayo Darbiga, kaasi oo dowlada Kenya ay sheegtay inay ku ilaalineyso amaanka dalkeeda iyo shacabkeeda oo halis ku ah kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay la kulmay Madaxwayne Uhuru Kenyatta, kaasi oo ay kawada xaajoodeen qodobo ay kamid yihiin arrintaan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xuduudka ayaa marar badan ka banaan-baxay Darbigaasi, iyaga oo sheegay inay Kenya ka dhisayso dhinaca Somalia, waxayna dowlada ugu baaqeen inay wax ka qabato.

Madaxwayne Farmaajo iyo dhigiisa Kenyatta ayaa dhowr jeer khadka telafoonka waxay kaga wada hadleen qadiyadaan, taasoo la sheegay inay wax udhimi karto ganacsiga isaga kala goosha sohdinta dalalkaan.

Sida laga soo xigtay warbixin dhowaan soo baxday, isha ugu badan oo ay Kenya udhoofiso badeecadaha dalkaasi kasoo go'a oo uu kamid yahay Khaadka waa Soomaaliya, oo aanan helin bedal ku haboon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM