Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta waxa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Khayre u magacaabay ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga iyo qorshaha lagu horumarinayo.

Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maal-gashi iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Fahfaahinta ama nuqulo kamid ah heshiiskaasi ayaa nan loosoo bandhigin saxaafadda. Si lamid ah lama ogga hadii ay Laanta Fulinta u gudbin doonto baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan labada dal ayaa horey uga dhawaajiyey in heshiisyadii ay horey dowlada ula gashay qaar kamid ah dalalka caalamka aanan la horkeeni goleyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM