Weerar khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Image

QALIMOW - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dambeeyay markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaaadeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Shabaab fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Tuuladda Qalimow.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegeen inay maqleen daryenka rasaas xoog leh oo labadda dhinac is-dhaafsanayeen, taasoo socotay ku dhawaad Hal saac, islamarkaana sababtay khasaaro dhimsho iyo dhaawac isagu jira.

Ugu yaraan hal askari ayaa inta la hubo ku geeryoodey weerarkaan, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaarey ciidamada dowladda, inkastoo aan la xaqiijin karin midka soo gaarey dhinaca Al-Shabaab.

Xoogaga Al-Shabaab oo baraha Internet-ka ku faafiyaan warar ay uga hadleen weerarka ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay ugu geysteen ciidamada xooga dalka khasaaro xoog leh, ayna ku furteen hub iyo Saanad ciidan.

Taliska ciidaamada xooga dalka, Wasaarada Gaashaandhiga, iyo Taliska gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo midka HirShabeelle intaba wali war ah kama aysan soo saarin falkaan lagu beegsaday ciidamada dowladda.

Deegaanka Qalimow oo ku yaalla wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa aalaaba ka dhaca weeraro noocaan ah, iyadoo dhawaan la geeyay ciidamado isagu jira Soomaaliya iyo AMISOM si amaanka Jidka u sugaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM