​Wufuud Madaxweyne Gaas kamid yahay oo gaaray Cadaado

Image
Image

CADAADO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug, halkaasoo lagu caleemo saarayo Axmed Xaaf.

Gaas ayaa markii ugu horaysay booqday Cadaado oo ay ku shaqayso xukuumadda Galmudug, taasoo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyay muddooyinkii dambe oo qaybtood ka dhasheen dagaallo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado, waana mid si gooni ah loo xiisaynayay sida ay GO u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Socdaalkan ayaa ka duwanaa kuwa ay ku tagayaan madaxda maamullada sida; Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Madaxweyne Gaas kama uusan hadlin socdaalkiisa, balse waxaa dadku aad isu weydiinayaan isbadalka laga dhaxli galo safarka Gaas.

Dhinaca kale, waxaa goobta caleemo saarka tagay Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Somalia.

Xafladda oo aan wali bilaaban ayaa waxaa laga sugayaa Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM