​X. Fiqi "Hadalkii Sh. Baaruud wuxuu halis galin karaan noloshada Xildhibaanada"

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa walaac ka muujiyay hadal dhawaan uu goob Xaflad ah ka sheegay Sheekh Nuur Baaruud oo kamid ah Culimada Somaliyeed.

Hadalkaas oo u dhacayay in Xildhibaanada Barlamanka Somalia ee wada mooshinka ay ka joojiyaa carqalada xukuumadda Farmaajo, hadii kalena goobahooda loogu tagayo islamarkaana lagu garaacayo, ayaa keentay in Fiqi uu ka muujiyo cabsi iyo arrin halis galinta karta noloshada golaha wakiillada.

"Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka islamarkaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada," Ayuu yiri mudanahaasi.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook, Fiqi ayaa sheegay in Barlamanku kamid yahay saddex hay'adood ee ugu muhiimsan dowladda, sidaas darteed cidi mid kamida h taageerta kuwa kalana ka hortimaada ay tahay shakhsiyaad fushana dan gooni ah.

"Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan," Ayuu yiri Fiqi.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu qoraalkiisa ku daray, "Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen, ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadii arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka."

Xafladda hadalka dooda dhaliyay laga sheegay ayaa loogu qaaraamayay ciidamada dowladda Somalia, waxaana Guddi lagu magacaabay Sh. Baaruud looga dhigay Guddoomiye ku-xigeen.

Ilaa hadda arrintaas kama uusan Jawaabin mudane Baaruud oo kamid ah Culimada Somaliyeed ee sida tooska ah ula shaqeeya dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM