Xaaf oo weerar afka ah ku qaaday ku xigeenkiisa iyo Afhayeenka Baarlamaanka

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo Afhayeenka Baarlamaanka maamulkaasi, Cali Gacal Casar.

Madaxdaan uu khilaafka siyaasadeed kala geeyay tan iyo markii ay midoobeen Alhu Sunna iyo Galmudug ayaa midba kan wuxuu ku dhaliilayaa in uu kasoo horjeedo in xiisada la xaliyo.

Xaaf ayaa ku eedeeyay Carabey iyo Casar in ay doonayaan kala qaybinta dowlad goboleedkaasi, taasi oo uu carabka ku adkeeyay in ay tahay talaabo aaney u dulqaadan doonin garabkiisa.

Galmudug ayaa haatan u kala qaybsan labo garab oo ku kala sugan magaalooyinka Cadaado, xarunta Gollaha Sharcidejinta, iyo Dhuusamareeb, magaala madaxda maamul goboleedka Galmudug.

Is-marin-waaga oo ay wali muuqato in aanu xal laga gaarin ayaa la fahansan yahay in uu yahay mid salka ku haya awood-qaybsiga, gaar ahaan xubnaha Baarlamaanka iyo Gollaha Wasiirada.

Garabka ku sugan Cadaado oo ay hor-doobayaan Carabey iyo Casar oo ay daba ka riixayso Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si lamid ah ka biyo diidan in Xaaf uu afar sano xilka hayo, maadaama bedalay Cabdikarin Xuseen Guuleed oo is-casilay.

Is-qabqabsiga ayaa sameeyay Fadhiyadii Baarlamaanka oo hakad ku jira, iyada oo Xildhibaano ku kala shiray Cadaado iyo caasimada gobolka Galgaduud ay shaaciyeen in ay xilalkii ka qaadeen madaxda ugu sareysa.

"Wax kala qaybsan ma jirto, wax hakad ku jira malahan…nimankaasi go’doonka ku jira [Carabey iyo Casar] waxay rabaa in ay kala jabiyaan Galmudug, mana ka yeelayn..Xildhibaanada badankooda waxay ku sugan yihiin Dhuusamareeb, maalin kastana way shiraan," ayuu Xaaf u sheegay Radio Kulmiye ee Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Xaaf ayaa sheegay in ay socdaan dedaalo la doonayo in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulada xubnaha ah, isaga oo rajo ka muujiyay in la dhameeyo.

Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa lagu wadaa in magaalada Garowe lagu qabto shir balaaran ah oo kasoo qaybgalayaan madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo lagu soo afjaro tabashooyinka ay kala tirsanayaan labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM