Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA oo la jabsaday [Halkuu ka yimid khilaafka Hay'adda?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la jabsaday Xafiiska taliye ku xigeenka kowaad ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee "NISA" Cabdalla Cabdalla Maxamed uu ku leeyahay gudaha xarunta loo yaqaan Habar-Khadiija ee magaalada Muqdisho.

Falkaan oo la sheegay inay ka dambeeyeen Askar katirsan  NISA, ayaa dhacay xalay, iyadoo wararku sheegayaan in amarka lagu galay xafiiska uu bixiyay Agaasiimaha hay'adda Xuseen Cismaan Xuseen [Uurkuus], oo hadda dalka safar uga maqan.

Sawirro lasoo geliyay baraha Internet-ka, ayaa muujinaya burbur xooggan oo la gaarsiiyay qalabkii yaallay xafiiska, iyo dukumintiyo dhulka lagu daadiyay, waxaana dhacdadan lagu tilmaamay mid aan horey loo arag taariikhda NISA.

Su'aallo badan ayaa la iska waydiinayaa falkan lagu jabsaday Xafiiska Jeneraal Cabdalla Cabdalla, kuwaasi oo ay kamid yihiin; yaa ka dambeeya? waa kuma qofka gali kara xafiiskan oo kamid ah kuwa sida aadka ah amnigooda loo ilaaliyo dalka? ma jiraan dukumintiyo maqan, oo lagala baxay? maxuu hogaanka NISA uga hadli la'yahay sababta shaqa-joojinta loogu sameeyay mas'uulkan maalmo kahor?.

Cabdalla ayaa isaga iyo ku xigeenka labaad ee NISA, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) waxaa hal mar shaqa joojin ku sameeyay Isniintii lasoo dhaafay [16-kii July], Agaasimaha Hay'adda Uurkuus.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xilka qaadistooda oo lagu soo beegay xilli Madaxweyne Farmaajo ku maqnaa Shirkii Brussels, kasoo lasoo gaba-gabeeyay maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay.

Macluumaadka hore ayaa sheegayaa in shaqa ka joojintooda la xiriirto musuq-maasuq iyo lunsasho dhaqaale, iyadoo wararka kale tibaaxayaan inuu la xiriiro qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay afaafka Villa Soomaaliya, gaar ahaan wado uu maray Madaxweyne Farmaajo xilli uu kusii jeeday Brussels Axadii [July 14].

Xafiiska Cabdalla Cabdalla

- Sooyaalka NISA -

Hay'addan oo ah kuwa ugu awoodda badan hay'adaha amniga dalka, islamarkaana uu taageero dhaqaale ahaan Mareykanka ayaa dib loo shaqo geliyay laga soo billaabo dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay AUN Cabdullahi Yuusuf, waxayna soo xoogeysatay dowladihii ka dambeeyay ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif, xubno badan oo ka yimid dhanka Maxkamadahii Islaamiga ee burburay ayaa ku biiray NISA, kuwaasi oo qaarkood ka noqday ugu dambeyn saraakiil sare.

Xilligii Xasan Sheekh - xubnihii ugu badnaa oo laga keenay Kooxdii la oran jiray Damul-Jadiid ee talada Villa Somalia gacanta ku haysay iyo kuwa qabiil lagu geeyay ayaa soo galay Hay'adda Sirdoonka NISA, waxaana ay noqdeen Saraakiil la siiyay darajooyinka aysan tababarkooda qabin.

Labada xilli ee ugu dambeeyay, NISA ayaa noqotay mid si gaar ah ay u adeegsadaan madaxdii xilligaa jirtay, oo u adeegsan jiray siyaasiyiin iyo dadka kale ee feker ahaan kasoo horjeeday siyaasadahooda.

- Waa kuma Cabdalla Cabdalla iyo Jaamac? - 

Cabadalla Cabdalla Maxamed, oo hadda wata darajada Jeneraal ayaa kusoo biiray NISA xilligii Xasan Sheekh, isagoo markaasi kamid ahaa xubnaha ugu sareeya kooxdii loogu yeeri jiray Damul jadiid.

Waxa uu ninkan ku noolaa dalka Yemen, oo uu tagey burburkii dowladdii dhexe kadib, isagoo tababar kooban oo dhanka Sirdoonka ah kusoo qaatey wadanka Sacuudiga, kahor inta uusan kamid noqon NISA.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur [Jaamac], waxa uu mar kasoo mid noqday Amniyat-ka Al Shabaab, isagoo Kooxdan kasoo goostay xilligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan kadib laga dhigay Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, xilligaasina waxaa Safiir aan si buuxda u howlgalin ka ahaa dalkaasi Cabdullaahi Maxaamed Cali Sanbaloolsho, oo halkaasi ay isku soo barteen.

Markii uu Sanbaloolsho laga qaadey xilka safiirnimo, islamarkaana loo magacaabay Agaasiimaha NISA, waxa uu u yaarey Jaamac oo isna laga dhigay ku xigeenkiisa, isagoo awoodda ku yeeshey hay'adda.

Jaamac ayaa mudo bilo ah soo noqday ku simaha agaasimaha kadib qaraxii Zoobe, 14-kii October illaa laga magacaabayay Agaasiimaha hadda xafiiska jooga, Xuseen Cismaan Xuseen [Uurkuus].

- Al-Shabaab iyo NISA - 

Dad badan oo kamid ah Mucaaradka dowladda, ayaa ku eedeeyay qaraxyadii ka dhacey Otto Otto iyo afaafka Villa Somalia in Hay'addaha amniga dowladda, gaar ahaan NISA ay dhex-gashay Al shabaab, madaama xubno badan oo iyada ka yimid loo qoray Askar ahaan.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa dhawaan shaaciyay inay jiraan in ka badan 30 Askari iyo saraakiil ay u xireen weerarkii Otto Otto, markii looga shakiyay inay wax ka ogaayeen.

Xubnaha la xiray, ayaa waxay ku sugnaayeen baraha Konatarool ee ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Xarunta Otto Otto, oo ay degan yihiin Wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha, iyadoo shakiguna uu yahay sidee raggii weerarka fuliyay iyo gawaaridii ay wateen ugu suurta-gashay inay kasoo gudbaan Koonatarooladda?

Waxa kale oo ay maadaxda dowlada iswadiinaysaa yaa Al-Shabaab marwalba u gacan-geliya Dareyska/tuutaha ciidamada amniga dalka, yaa u sahla baabuurtooda inay gaaraan meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo sida Villa Soomaaliya?

Waa Kuma Ku-simaha Cusub ee NISA?

Agaasiimaha NISA, Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maadaama uu shaqada ka joojiyay labadiisa ku xigeen, islamarkaana uu dalka ka dhoofay waxa uu Cabdullaahi Aadan Kulane u magacaabay 17-kii July, maalin kahor.

Kulane ayaa booskan loo dhiibay, isagoo horey wax xil ah uga heynin NISA, balse la yimid Agaasiimaha cusub markii la magacaabey, oo hadda safar uga maqan dalka, xilli uu jahawareer iyo khilaaf ka taagan yahay Hay'adda.

Xogta Garowe Online ogaadey ayaa sheegaysa in Kulane, uu ku joogay NISA qaab xil-suge ah, kadib markii laga qaadey xilka ku xigeenka Agaasiimaha Madaxtooyadda markii Fahad Yaasiin la magacaabay kadib.

Kulane oo ka yimid Mareykanka ayaa waxa uu kamid ahaa Kooxdii ololaha Farmaajo xilligii doorashada February 2017, waxaana markii ay doorashada ku guuleysteen loo magacaabay si KMG ah ku xigeenka agaasiimaha Villa Soomaaliya.

Kulane waxay isku reer kasoo jeedaan Madaxweyne Farmaajo, muddana waxaa uu ahaa shaqo suge, maadaama uu kamid ahaa dadkii Madaxweynaha lasoo halgamay.

- Jahwareerka ka jira NISA - 

Tan iyo markii Farmaajo xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo doortey isaga iyo Kooxdiisa siyaasada waxay raadinayay sidii NISA ugu sameyn lahayeen isbedel ka duwan sidii hore, taasoo aad ugu adkaatay maadaama mudo ka yar 2 sano loo magacaabay hay'addan labo Agaasime.

Marka laga soo tag dhibaatooyinka NISA ka taagan ee la xiriira qaab dhismeedkeeda kuwasoo adkeeyey isbadal deg deg ah ayaa waxaa jira xoggo kale oo sheegaya in saddexda Mas'uul ee ugu awooda badan dowladda - Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Khayre, uu nin walba rabo isbedelka NISA ku imaan doona isagu awood badan ku yeesho, taasina dhalisay jawhareer iyo hogaan xumo.

Go'aankaan hadda Kulane ku simaha loogu magaacabay oo qayb ka ah loolanka taagan ayaa la rumeysan inuu ka yimid Madaxweyne Farmaajo, sida uu Warsidaha Garowe Online u sheegay sarkaal katirsan NISA, oo magaciisa ka gaabsaday.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM