Xaflad madaxda Somalida loogu qabtay London

Image

LONDON, England- Waxaa xalay magaalada London ee carriga Ingiriiska lagu qabtay kulan soo dhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Somalida ee dalkaas, taasoo looga hadlayay marxaladda waddanka uu marayo.

Shirkaas waxaa joogay Madaxweynaha Somalia, Ra’isal wasaare ku-xigeenka, wasiirro,  Madaxda maamullada dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa khudbado ay jeediyeen ku sheegay inay diyaar u yihiin dib u dhiska dalka, waxayna meesha ka saareen inuu jiro tafaaruq u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulladooda.

"Walalaayaal si fiican ii dhegaysta idinkaa Dowladda iska leh, hadii dowladda aad rabtaan iany shaqeyso waa in dowladda aad la shaqeysaan, oo ka tagtaan qabyaalada , qofka siyaasiga ah xun , hada aragtaan inuu wax maroorinaya oo uu qabiil soo celinayo qabta,” Ayuu yiri Farmaajo

Isagoo sii hadlaya, wuxuu yiri, “20sano ayaan sidan ahayn oo waxba qabsan weynay, waxayna sababtay in dad afrikan ah oo walalheena ay inagukala dhexjiraan inaga , waana nasiib daro arrintaasi.”

Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka laga doonayo inay u hogaansamaan sharciga si dalka xaaladiisu u hagaagto.

“Waxaa la idinak rabaa inaa sharciga u hogaansantaan , madaama dalkaan idin soo dhoweeyey oo wax badan idin siiyey, inaa sharcigiisa ixtiraamtaan, oo kan xun oo alqaacidada ah oo dadka dhibaya aad us heegtaan. Walalayaal intiinaan oo dibada jirta iyo kuwa kaleba waxaa tihiin safiiro dalkeena , oo dalkeena metela, oo heesta maryan mursal aan kusoo celiyee u diida ceebta dalkiina, magaca soomaaliyeed sooceliya, madaxa ciida ka ceshada, halkana ka aragtaan inaan waxaasi ka gudubnay," Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

"Waxaan anagu balanqaadayna anagoo gacmaha is haysana inaan amnigii Soomaaliya lagu yaqaanay kusoo celino , oo qolada shayaadiinta ah dalka ka saarno , weliba anagoo hore ugu baaqnay inaan magangelyo siino intooda rabta inay ummada kusoo noqdaan. Waxaan balan qaadnay siyaasad mid ah isqabqabsi lahayn oo wada shaqeyn leh laga soo bilaabo madaxweynaha, Raisalwasaaraha, Baarlamaanka iyo sida aad caawa aragtaan Dowladd goboleedyada,” Sidaas waxa sheegay Madaxweynaha Somalia.

Mar uu ka hadlayay kooxda Al Shabaab iyo dagaalka dowladdu kula jirto, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wali fursad ay haystaan dagaalyahanada ku jira kooxdaas cidii isa soo dhiibaysa, balse wuxuu qiray in taas macnaheedu ahayn in la joojiyay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagusoo bandhigay Heeso iyo Riwaayado muujinaysay in Qurba joogta Somalida u jeellanyihiin inay arkaan waddankii oo nabad ah oo cagihiisa isku taaga.

GAROWENLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM