Xalka amni darida Muqdisho ee dowladdu ay iska indhareyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan toban weerar oo loo adeegsaday qaraxyo gaari oo ay wehliyaan dilal qorsheysan ayaa todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho, kuwaasi oo wadar ahaan ay ku geeriyootay ku dhowaad 40 ruux.

Guud ahaan dhacdooyinkaasi waxaa dusha saartay kooxda Al-Shabaab oo qiil ka dhiganeysa in ay la beegsatay xubno ka tirsan dowlada iyo kuwa kale oo ku lug leh dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka.

Xukuumada ayaa ku adkeysaneysa in aysan ka jiifan sugida nabad-gelyadda magaala madaxda dalka, iyada oo ka codsaneysa shacabka in ay ku garab siiyaan xasilinta caasimada iyo dagaalka Al-Shabaab.

Balse xeel-dheerayaasha ayaa aaminsan in aragtida ah in dadwaynaha ku caawiyaan laamaha amniga xaqiijinta nabad-gelyada ay tahay mid sax ah, balse la geliyay goob aan munaasab ku ahayn.

Waxay ku doodayaan in hooseyso kalsoonida uu rayidku ku qabo laamaha amaanka, oo ay sheegeen in ay ku dhex-milmeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, taasoo sahleysa in qofkii xog ka keenay kooxda la khaarijiyo.

"Shacabku nabad ayay ku shaqeystaan hadda … cida mas'uuliyadaasi qaaday oo madaxda ah ayaana loofa fadhiyaa sugaan … hadii [dadwaynaha] soo sheego cadowga miyay [madaxdu] u balanqaadi karaan in ay badbaadayaan," ayuu yiri madaxda machadka daaraasaadka amniga ee Hiraal.

Xuseen Sheekh Cali, lataliyahii hore dhinaca amniga ee Madaxwaynaha Soomaaliya, oo qiray in ay jiraan caqabado horyaala madaxda, ayaa tilmaamay in amni xumada haatan jirta ay sabab u tahay "karti xumi haysata madaxda hay’addaha amniga".

"Al-Shabaabka kasoo cararay duqeymaha hoodka ee Mareykanka ayaa shacabka ku laynaya Muqdisho … taasi waxaa sabab u ah karti xumada madaxda amniga … oo aanan lahayn qorshe lagu wajaho arrintaasi," ayuu raaciyay.

- Xalka ay dowlada iska indhatireyso –

Xubnaha taageersan dowlada ayaa aaminsan in hay’addaha amaanka ay si adag u shaqeynayaan si ay u adkeeyaan amaanka, waxayna cod-sadeen in aanan la buun-buunin arrimaha taagan, lagana wada shaqeeyaan xasilinta Xamar.

"Shacabka laguma eedaynayo amniga … balse waa mas'uuliyada wadareed … Sidaasi darteeda qaraxyadda dhaca waxaa ka badan kuwa ay ciidamadu qabtaan," ayuu yiri Aadan Isaaq, wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Xuseen iyo khuburo kale oo amniga aqoon u leh ayaa soo jeediyay in dowlada looga baahan yahay xoojiso xooraanka/sirdoonka gudaha, isla xisaabtanka iyo sifeynta hay’addaha nabad-gelyadda ee cadowga ku milmay.

"Hay’addaheena amniga xubno labo waji leh [dual cards] ayaa ku jira … kuwaasi oo aanan cidna daacad u ahayn balse kaliya eega danahooda … laga yaabee in ay Shabaabka u dhaga nugul yihiin, waana in laga sifeeyaa," ayuu yiri xeel-dheere.

Dhanka kale, qaar kamid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho ayaa loo xiray kadib markii ay soo baxayeen mudooyinkii u dambeeyay digniino dhinaca amaanka ah, taasoo ay bixiyeen hay’addo sirdoon oo caalami ah.

Si lamid ah waxaa kooram la'aan u baaqday kulankii koowaad ee Gollaha Shacabka, inkasta oo Xildhibaano ay u gudbiyeen gudoonka mooshin nuxurkiisu yahay in ajendayaasha lagu daro ka doodista amniga.

Mudanayaasha ayaa ku eedeeyay Mursal in uu iska indhatirayo danaha qaranka iyo amniga magaala madaxda oo maalmihii u dambeeyay ay ka baxayeen qaraxyo sida tusbax furmay oo kale noqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM