Saddex arrimood oo caqabad ku ah tayeynta ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tobban sano oo dadaalo, qalab iyo dhaqaalo lagu bixinayey dhismaha ciidan Soomaaliyeed ayaa illaa iyo haatan u muuqda mid lagu guuldareysatay, sidda lagu sheegay qiimeyn cusub.

Odoraskaasi oo ay si wadajir ah u sameeyeen dowlada federaalka ah iyo Beesha Caalamka sida Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa lagu helay caqabadaha jira.

Daraasadaasi ayaa hadafka laga lahaa waxay ahayd in dhinacyadda ay helaan macluumaad sax ah oo ku saabsan ciidanka sida; aqoonsiyadooda, baraha ay joogaan iyo saanadooda.

Sidda ku cad natiijadda, 63% Soomaaliya ma haysato ciidamo dagaal geli kara oo agaaga difaaca kula diri kara cadow, taasi oo xoojisay baahida loo qabo in la sameeyo xoogaga tababaran.

Paul D. Williams, oo qoray maqaal lagu gorfeeyey ciidanka Soomaaliya ayaa daaha ka rogay saddex xaqiiqo kuwaasi xalkooda laga meer-maarayo balse caqabad ku ah dhismaha xoogaga difaaca qaranka.

- Cagojiidka Beesha Caalamka -

Saaxiibada Caalamka waxay laf-dhabar u yihiin geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya, iyaga oo bixiya taageero kala duwan oo xag kasta ah.

Markay timaado u dhisika ciidamada, waxaa lagu dhaliilaa in aysan diirada saarin arrintaan, ayna ka door-bidaan kuna bixiyaan dhaqaalaha ugu badan kuwa AMISOM.

Falanqeeyayaasha maxaliga ah ayaa ku doodaya in Miisaaniyada la siiyo ciidamada midowga Afrika hadii lagu bixin lahaa kuwa Soomaalida dalka goor hore uu adkaan lahaa Al-Shabaab.

- Dadaalo aan mideysneyn -

Iyadda oo uu Mareykanku yahay caawiyaha ugu badan, haddana dareenka caalama ee aan kusoo jeedin ma ahan kaliya dhibaatada jirta.

Intaasi waxaa wehlisa in ay jiraan wadamo kala gedisan kuwaasi oo tababaro kala duwan siiya xoogaga dowladda.

Mashaqada taagan ayaa ah in dalalkaasi tobaneeyada ah in aysan mideynin dadaaladooda, taasi oo majaxaabisay hadafka la hiigsanayo.

- Iska indho tirka xal siyaasadeed -

Soomaaliya, dabcan, waxaa dal kasoo kabanaya colaado, waxaana afeeyay wadanka qabiil, kala aragti duwanaanshiyo iyo musuq-maasuq.

Dhamaan arrimahaan waxay u baahan yahay in xal siyaasadeed laga gaaro si dowladnimada oo ay ciidanka ugu horeeya loo tayeeyo.

Balse guud ahaan dhinacyada ku lugta leh arrintaan ayaa iska indhotiraya in ay qaadaan jidkaasi kaasi oo dhabe hagaagsan ku hagi lahayd.

Geesta kale, Paul D. Williams oo barre ka ah Jamaacada George Washington ee Mareykanka ayaa maqaalkiisa ku xusay in ay jirto rajo wanaagsna oo ku aadan in ciidanka Soomaaliya la xoojiyo sanadaha dhow.

Williams ayaa ku doodaya in hir-gelinta nidaamka casriga ah ee lagu diiwaan-geliyo ciidanka ay muujineyso talaabo horey loo qaaday, wallow wax badan is-bedali karaan.

Sikastaba ha ahaatee, ciidamada AMISOM oo haatan suga amaanka goobaha ugu muhiimsan dowladda ayaa la filayaa in ay wadanka ka hayaamaan sanadka 2020-21, waxaana waajib ku ah Soomaaliya in ay kahor hesho ciidamo tayo leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM