Xasan Sheekh: 2016 doorasho way dhacaysaa waqtina kororsan mayno

Image

May 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaaka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysey ka jeediyey xaflad casho sharaf ahayd oo xalay madaxtooyada Garowe loogu qabtey wufuudda ka socoda Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowladaha qaybta ah ka ah federaalka. 

Khudbadda Xasan Sheekh oo qaadatey muddo soddon daqiiqo ah, waxaa qodobadii uu kusoo qaadey ugu muhiimsanaa:

 HALKAN KA DHAGEYSO

 


Shekiga laga qabo muddo kororsiga!

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn ka hadley shekiga laga qabo in dowladda uu hoggaaminayaa waqtiga kororsato, isagoo sheegay in taasi dhici doonin, marar badan oo horena uu ku cel celiyey.

Xasan Sheekh wuxu sidoo kale si dadban u sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha marka la gaaro sanadka 2016-ka

"in waqtigu hadduu dhamaado la kordhiyo ma rabno, waayo aragnimada kororsigu waa khilaaf iyo mashaakil...waqtigu hadduu dhammaado ama waa in annaga naloo dhiibtaa mar kale ama ciddii kale oo lagu kalsoon yahay loo dhiibtaa inta nalaka wareejiyo" ayuu yiri.

Doorasho ma dhaceysaa 2016?

Su'aashaas isagoo ka jawaabaya wuxuu Madaxweynaha Dowladda Federaalku sheegay in doorashooyinku qabsoomi doonanaan waqtiga loogu talo galay.

"2016 dalka doorasho way ka dhacysaa Ilaah idankiis, umadda Soomaaliyeed fursad ayaan siineynaa...waxanna u gogol xaareynaa in 2016 dalka doorasho ka dhacdo oo ay timaado dowlad cusub oo ku imaaneysa si ka xoogan, ka sharciyad wanaagsan kana qayb gal ballaaran sidii aan anagu ku nimid"

Arinta gobolka Mudug iyo dhismaha maamulka gobollada dhexe:

Arrintan si aad ah ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu dheeraadey isagoo sheegay in Dowladda Federaalku garowsan tahay xaaladaha adag ee xasaasiga ah ee ku xeeran gobolka Mudug.

Wuxuuse kasoo horjeestey hadal uu sheegay Madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa in waqooyiga, galbeedka iyo bariga gobolka Mudug Puntland ka tirsan yihiin, isagoo xusey in arrintaasi tahay mid aan sax ahayn.

Qaabka lagu saleynayo dhismaha maamulka gobollada dhexe wuxuu sheegay inuu yahay sidii horay loogu kala deggenaaa gobolka Mudug oo ah in qaybta koonfurta Puntland ka taliso qaybta kalena ay raacsan tahay Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM