Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka socda iyo qorshaha Somaliland [Dhagayso]

Image

20 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in maamulka Somaliland uu ku jiro qorshaha shirka wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda DFS iyo maamullada dalka.

Xasan Shiikh waxaa uu tilmaay in ay wadaan xilligan dadaal Somaliland kaga  qeyb gali karto shirka looga hadlayo mustaqbalka Somalia, isla markaana dowladdu diyaar u tahay xalka umadda.

Xilli uu soo hadal qaaday wadahalkii u dhaxeeyey maamulka Somaliland iyo dowladda Federalka ayuu sheegay arintaasi inay meel fiican mareyso, uuna ku rajo weyn yahay in wax kasta guul ku dhamaadaan.

Soomaaliland ayaa horay u sheegtay inay ka madax banaan tahay Somalia inteeda kale, balse waxaa jiray wada hadallo u dhaxeeyay madaxda dowladda Somalia iyo maamulkaasi oo ka dhacay dalka dibadiisa uusan ka soo bixin war miro dhal ah.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM