Xildhibaan codsaday in Farmaajo su'aalo laga weydiiyo hadallo uu yiri [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan ay uga hadlayeen xaaladda guud ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu laayay dad shacab ah.

Kulankan ayaa intiisa badan waxaa lagu dhaliilay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka ay jireen Xildhibaano gabi ahaanba kasoo horjeeday hab dhaqanka Mudanayaasha golaha shacabka iyo qaabka ay u wajahaan dhibaatooyinkan oo kale.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa kamid ahaa mudanayaashii khubada ka jeediyay fadhiga, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay labo eray oo furitaankii kulanka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo taabanayay ciidamada qalabka sida iyo howlgalka Al Shabaab.

Mahad wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu yiraahdo Al Shabaab waan ka adkaan la'nahay iyo ciidamada dowladda Soomaaliya uma dagaallamaan qadiyad.

"Mudane Guddoomiye hadalkii shalay ee Madaxweynaha waxaa ku jirtay labada eray oo runtii aan isleeyahay aad bay u xanuun badanyihiin, mid waxaa kamid ah; Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dalkooda u dhimanaaya, dadkooda u dhimanaaya, oo dariiq kasto lagu dilaayo oo cadowgu ugaarsanaayo iskuna dhibayo sidii ay u bad-baadin lahaayeen qaranka iyo umadda Soomaaliyeed, in la yiraahdo Caqiido kuma dagaallamaan waxaan aaminsanahay inay tahay arrin gef ah." ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad oo hadalkiisa sii raaciyay in loo baahanyahay in hadalkaas Madaxweynaha su'aal laga weydiiyo maadama kalmadaas ay niyadgalinayso cadowga.

"Tan labaad oo khudbada Madaxweynaha ku jirtayna mudane Guddoomiye waxaa waaye in Madaxweynuhu yiri waan ka adkaan weynay Al Shabaab, mudane Guddoomiye Al Shabaab Madaxtooyada hareeraheeda ayay joogi jireen xabadaha Aakaha ay soo ridaan guryaha Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo la degenaa ayay gaari jireen, dalkan inta la riixay oo laga adkaaday ayay deegaanoo kooban ka joogeen," sidaas waxaa yiri Mahad oo kamid ah golaha Aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya, wuxuuna intaas raacshay in Al Shabaab laga adkaan karo lagana guulaysan karo.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale dhaliilay qaababka dowladdu uga jawabtay masiibooyinkii dhacay bishii hore.

Mahad Salaad oo kamid ahaa xukuumadii Xasan Sheekh ayaa aad u dhaliilayay muddooyinkii dambe Madaxweyne Farmaajo iyo golaha Ra'isal wasaare Khayre wuxuuna aad ugu eedayn jiray inay ka gaabiyeen shaqooyinkii loo igmaday. Halkan ka Daawo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM