"Farmaajo masoo laabanayo, ha joojiyo haraanti danbeedka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Ibraahim Daqare, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dowlada Farmaajo ku eedeeyay in ay qalalaaso ka abuureyso gobolka Gedo.

Mudanahaan oo degaan doorashadiisu tahay gobolkaas ayaa xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Khayre ku tartarsiiyey in ay ka baaqsato arrintaas.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa imaanaya iyaddoo dhowaan dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah u daabushay Gedo.

Daqare oo Jimcadii wariyeyaasha kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa ka digay qorshe ay waddo dowladda oo ah in ay gobolkaas ka jarto Jubaland.

Xiriirka u dhaxeeya maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo Nabad & Nolol ayaanan fiicneyn tan iyo doorashadii u dambeysay ee ka dhacday Kismaayo.

Nas-teexeyn

"Marka annaga waxaan leenahay madaxweynaha 'siyaasadaada ma deeqdo gobolka Gedo kor uga bax' taasna waa iga waano waa u nas-teexeenayaa, hadda waxaa u hartay sideed bilood," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sideedaas bilood, annaga waxaan rabnay in uu sideedaas bilood uu nabad ku dhameysto nabad ku baxo oo cidda bedelaysa ay nabad ku timaado, laakiin waxaa noo muuqato in meeshaan aysan waxba kasoo socon, waxay wadaan gacan ku togaaleen goboladii nabadda ahaa ayay hub u xawilayaan, dhibaato u rarayaan, war arrintaas halaga soo reebto".

"Madaxweynaha waxaan leenahay arrintaas wax ku qaado ma ahan ka waantow, sideedaada bilood nabad ku dhameyso, hadaad tartantid nabadaada ku bax, in aadan soo noqonayn waan oganahayee dadka haraanti danbeedka ka daa, oo dhibka aad u geysaneyso umadda banaanka ka mar," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xildhibaanka.

Doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa ah mid aanan wali heshiis lagu gaari nidaamka lagu galayo, hase ahaatee, Beesha Caalamka waxay si cad u muujisay in aan la aqbali karin muddo kororsi iyo heshiis la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM