Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo Muqdishu lagu diley

Image

MUQDISHU 18 April,2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Puntland toogasho lagu diley.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) ayaa xilligii la dilayey gaari saarnaa wuxuuna ku sugnaa meel aan ka fogeyn isbitaalka hore ee loo aqoon jirey Digfeer hadase ay maamulaan Turkiga.

Aaadan Yare oo maalmihii u dambeeyey Muqdisho ku sugnaa ayaa la sheegey in uu isbitaalkaas gaynayey xaaskiisa oo xanuunsan.

Kooxaha dableyda oo toogtey xildhibaanka ayaa la sheegey iney ka baxsadeen goobtaas.

Warar dheeraad ah kala soco warsidaha Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM