Xildhibaan lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed, oo kamid ahaa Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxaa dilay Askar ilaalo u ahayd Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka katirsan, kadib markii ay rasaas ku fureen guurigiisa xilli uu marayay meel ku dhaw Isgoyska Sayidka.

Ciidamada dilay Marxuum Maxamed waxay ilaalo u yihiin Xildhibaan Maxamuud Abukaate oo kamid ah xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Xildhibaanka geeriyooday uu ku dhawaaday Gaariga kale ee Maxamuud Abukaate oo dusha ka saarnaayeen Askar Ilaalo u ah, kuwaasi oo markii ay ka shakiyeen rasaas ku furay, taasi oo uu ku dhintay.

Ciidamo kale oo kuwa dowladda ah ayaa goobta gaarey, oo meydka Xildhibaanka qaadey. Lama oga in gacanta lagu dhigay Askarta dilka geysatay iyo in kale, balse waxaa socda sheegeen baaritaan.

Wixii kusoo kordha warkan dib kala soco Garowe Online

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM