Xildhibaan shacabka ku baqdin galiyey in dagaalkii sokeeye lagu noqonayo

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diidmo uu ka muujiyey wareegto duqa magaalada Muqdisho [Halkan ka akhri] uu ku joojiyey maanta lahaanshaha dhulal sharci daro ah oo horey loo baxshey ku hanjabey in talaabadaan u soo jiidi karto dalka dowlad la’aan.

Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Khayre ayaa qoralaadiisa inta badan waxaa uu ku baqdin galiya madaxdaan in dalku dib ugu noqonayo dagaaladii sokeeye hadii aysan joojin siyaasadaha qaarkood.

Xildhibankaan ayaa qoraal uu ku diidayey wareegtada Duqa magalada Muqdisho ku xiriirey go’aankaan inuu yahay mid lamid kuwii dowlada Maxamad Siyaad Barre.

“Soomaaliya xiligii kacaameynta waa kasoo gudubtay ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina!.” ayuu xildhibaan Mahad Salaad ku qorey bartiisa Facebook isagoo qabiil difaacaya dadka lahaanshaha dhulkaan lagala noqdey.

Mudanahaan oo dib u raacey taariikhda dhul bixinta magalada Muqdisho ayaa xusey, mas’uuliyiin xilalka gudoomiyaha Banaadir kasoo qabtey intii dalku ku jirey burburka halka ugu dambeyntii qoraalkiisa ku xusey Mudane Xasan Abshir oo duqa magaalada ahaa xiligii dowlada Maxamad Siyaad Barre.

“Waxaa isweydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!.” ayuu yiri isagoo tilmaamey in xiligii dowlada Soomaaliya dalka ka jirtey Mudane Xasan Abshir bixiyey dhulal kuwasoo uu siiyey Dad qaraabadiisa ah.

Mahad Salaad oo xilal ka soo qabtey dowladii  Madaxweynaha uu ka ahaa Xasan Shiikh islamarkaana kamid ahaa kooxdii la oran jirey Damul Jadiid ayaa tan iyo intii la doortey Mudane Faraamjo mucaarad ku ahaa siyaasadihiisa isagoo mar walba xusa in ay jirto khatar ah in dalku dib ugu noqonayo dagaal sokeeye.

Xildhibaano ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya kuwasoo intooda badan ka tirsanaa kooxdii Damul Jadiid ee maamuli jirtey dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa raadinaya in xilka Ra’isal wasaare Khayre loo magacaabo siyaasi ka tirsan xisbigooda.

Mudanayaashaan ayaa intooda badan iyagoo cayaaraya Kaarka qabiilka ku cabsi galiya shacabka Soomaaliya in hab dhaqanka Madaxweye Farmaajo iyo Maxamad Siyaad Barre isku mid yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo nidaam qabaliga Soomaaliya kasoo jeeda Darood ayaa waxaa uu beel hoose wadagaan AHN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre. 

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa muddo ku dhow 30 sano waxaa ka socdey dagaalo sokeeyo kuwasoo curyaamiyey in nidaamka dowladnimo ee dalkaan MAHAD noqdo mid Hana-qaada.

Barlamaanka Soomaaliya iyo nidaamka awood qaybsiga ee ka jira dalka ayaa waxaa uu ku saleysan yahay Hab beeleed la yiraahdo 4.5 kaasoo mas’uul walba xilka uu hayo ku matala qabiilka uu kasoo jeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM