Xildhibaano ku eedeyey Farmaajo inuu ku tuntey nidaamkii awood qaybsiga Soomaaliya [DAAWO]

Image

Muqdisho ( GO) - Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa warsaxafadeed ku qabtey xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Barlamanada dowlada Federaalka Soomaaliya kuwasoo kulamo u socdeen 25-30 August, 2018 waxayna kasoo saareen qodobo la xiriira in mudanayaasha labada aqal shir deg deg ah ka yeeshaan xaalada dalka ku sugan yahay.

Xildhibaanadaan ayaa sheegey iney ka doodeen taxanaha taariikheed uu dalka Soomaaliya soo marey iyagoo sheegey in aan marna la aqabali karin in dalka dib loogu celiyo dhibaatooyinkii sababey in dagaalo sokeeye ka dhacaan.

Mudane Xasan Cabdi Nuur Cabdi oo u hadlayey xildhibaanadaan oo walaac ka muujiyey dib u dhac ku yimi hanaanka Federaalka ayaa sheegey in dood iyo falanqeyn kadib soo saareen qodobada hoos ku qoran:

1-Ariamaha siyaasada

Xildhibaanada iyagoo tix-raacaya hanaanka awood qaybsiga oo beelaha Soomaaliyeed ku soo heshiiyeen shirkii Carta sanadkii 2000 ayaa waxaa soo baxdey in Madaxweynaha iyo xukuumadiisa si bareer ah ugu tunteen qaabka ay u magacabaan Wasiirada, Taliyeyaasha, taliye ku xigeenada, safaaradaha xoghayaasha joogtada ah, agaasimayaasha guud, hay'adaha madaxa banaan, hay'adaha kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha, garoomada, hay'adda jinsiyadaha iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Xildhibaanada labada gole waxay nasiib daro ku tilmaameen in xukuumadu joojisay gabi ahaan wadahadalkii lagula jirey maamulka Somaliland.

2- Arimaha Amniga

Xildhibnaada labada gole waxay nasiib daro ku tilmaameen in Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay ku guuldareysteen siyaasada amniga dalka guud ahaa,  sida la dagaalanka argagixisada, ka hortaga dilalka qorsheysan. Sidoo kale Xildhibaanada labada gole waxay kasoo horjeesteen kufsiga iyo dhaca joogtada ah ee loo gaysto shacbka Soomaliyeed ee ku nool wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, Muqdisho iyo Baraawe taasoo ay gaysteen ciidamada dowlada kuwasoo magaca ciidanka qaranka ku gumaada shacabka Soomaaliyeed iyadoo horey mas'uuliyiinta dalka u sareysa loogu gudbiyey cabashooyin, ay soo gudbiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degaanadaas.

Sidoo kale Xildhibaanada labada aqal waxay nasiib daro ku tilmaameen caburinta iyo cagajugleynta joogatada ah ee lagu hayo siyaasiyiinta ka aragti duwan Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa 

3-Arimaha Cadaalada

Dal kasta horumarkiisa waxaa furo u ah cadaalada, xukuumada hadda jirta waxay la magac baxdey Nabad iyo Nolol, sida la ogyahay nolol lama helo hadaan nabad la helin, naba-na lama helo hadaan cadaalad la helin sidaa daraadeed Xildhibaanada labada aqal waxay nasiib daro ku tilmaameen qaabka loo maareeyo garsoorka dalka taasoo ay tusaale u tahay inuusan weli cadaalad helin xukuumada hadda jiraa Wasiirkeedii Xildhibaan Cabaas Siraaji, waxaana inta badan la arkaa ama dhaca Kiisas aan loo maareyn si cadaadald ah, sidoo kale waxaa cadaalad daro xoogan ka jirtaa qaabka shaqosiinta iyo dalacsiinta saraakisha ciidamada oo inta badan ka muuqata in cadaalad daro lagu bixinayo shaqooyinka ama magacaabista iyadoo weliba ka muuqato kala fadilaad beelaha Soomaalida dhexdooda ah.

Talo soo jeedin

Xildhibaanada labada gole kadib markii ay arkeen cadaalad darada ku khasabtey in shacabka Soomaaliyeed iney u dacwoodaan nabadiidkii loo baahnaa in laga xoreeyo dalka, markey arkeen hami jabka iyo rajo beelka ka muuqda shacabka Soomaaliyeed, markey qiimeeyeen qaabka xukuumadu u maareyso siyaasada amniga dalka taasoo sababtey in Niyada Nabad diidka soo noolaato iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah si waafaqsan qodobka 69aad ee dastuurka qaranka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka ee Barlamnanka waxay talo ku soo jeedinayaan in Barlamanka Federaalka xil weyn iska saaro dib u eegisna ku sameeyo qaabka uu ku socda hogaanka dalka si looga badbaado in daganaansho la'aan siyaasadeed dalku galo.

Warsaxafadeedka Xildhibnaadaaan ayaa yimid xilli Warsidaha Garowe Online habeenkii xalay shaaciyey maqaal ka hadlya qaabka cadaalada darada ah ay madaxda dalka u magacaabaan xilalka dowlada iyagoo ku saleynaya nidaam qabiil, nin jecleysi iyo eex ku saleysan.

Dhowaan ayay aheyd markii wasiirka qorsheynta xiriirka caalamiga Xoghayaha joogatada ah u magaacabey shaqsi ay isku reer yihiin Madaxweynaha Soomaaliya halka agaasimahiisa guud uu ka dhigey qof ay isku reer yihiin Ra'isal wasaaraha dalka. Halkaan ka akhri maqaalkaan 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM