Xildhibaano kulan ka yeeshey hadalkii Xeer ilaaliyaha Soomaaliya ku eedeeyey mudanayaal.

Image
Image

MUQDISHO- Xildhibano ka tirsan Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka yeeshey hadalkii Xeer ilaaliyaha Qaranka kasoo saarey xubno ka tirsan aqalka hoose ee mudanayaasha Halkaan Ka Akhri , kulankaas ayaa lagu qabtey Villa Hargeysa.

Kulankaan oo uu goob joog ahaa Guddoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Cismaan Jawaari ayaa lagaga hadlay go'aanka Xeer Ilaaliyaha ku eedeeyey mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka sharciyada uu waafaqsan yahay iyo jawaabta ay ka bixinayaan.

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi oo saxaafada la hadlay markii kulankaan soo dhamaadey ayaa sheegey in mudanyaasha wax iska waydiiyeen jawaabta ay ka bixinyaan hadalka Xeer Ilaaliyaha isagoo eedeyn dusha uga tuurey Axmad Cali Daahir kuna sheegey in qodobadii Maxakamada Badbaadada dowladii hore ee AHN Maxamad Siyaad Barre adeegsadey.

Fiqi ayaa sheegey in kulan maanta isugu soo noqon doonaan Xildhibanada iyadoo la filayo iney ka codsadaan Guddoonka Barlamanka in dib loo furo Barlamanka Federaalka Soomaaliya isagoo xusey in 50 Mudane dalban karaan ayna is-qoreen.

Jawaari ayaa xildhibaanadaan ka codsadey iney waqti siiyaan arinkaan kaga soo fakaro iyadoo wararku sheegayaan in Guddonka Barlamanka suurtagal tahay iney qoraal jawaab ah kasoo saaraan hadalkii Xeer Ilaaliyaha iyagoo dajinaya mudanaaysha kacsan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo Shir Jaraa'id ku qabtey Xafiiskiisa Muqdisho maalintii shaley ayaa dalbadey in xasaanadda laga qaado Xildhibaano Dowlad Dumis lagu eedeeyay.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in baaris lagu sameynayo Xildhibaanada kala ah Xasan Maclin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, oo uu sheegay inay galeen fal-dembiyeed maxkamad lagu horgeynayo.

Labada Xildhibaan ayuu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha qaran dumis iyo inay dhaqaale kasoo qaateen dalal shisheeye, oo uusan carabaabin si ay u dumiyaan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Dowladihii dalka Soomaaliya isaga dambeeyey tan iyo intii uu bur burku dhacey ayaa madaxda xilka ugu sareeysa ku guuleysata waxaa lagu dooranayey lacago ay kasoo qaataan wadamo Shisheeye iyadoo dhinaca kale tahay sharci daro in Xildhibaan lagu eedeeyo inuu qaran dumis mar hadii golaha fulinta markaas talada dalka haya ku yahay mucaaarad"sidaas waxaa GO u sheegey xubin ka tirsan Barlamanka Federaalka oo diidey magaciisa in aan xusno.

Lama oga talaabada Xeer ilaaliyaha Qaranka uu qaadey in Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre dalbadeen balse dadka la socda arimaha dowlada Federaalka ayaa aaminsan iney tahay khalad siyaasdeed oo dhabar jab ku ah Villa Soomaaliya.

Talaabadaan oo ka careysiisey Xildhibaano farabadan ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay xoojisay mudanyaasha mucaaradka ah kuwasoo in muddo ah diyaarinayey mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isal wasaarihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM