DF oo "lagu garaacay" dacwadii uu gudbiyey xisbiga Sheekh Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran ayaa shaaciyey in Dowladda Federaalka ay ku garaaceen dacwadii ka gudbiyeen taas oo ay qaadey Maxkamadda Sarre.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in ay fahfaahin buuxda ka bixin doonan habraaca kiiska.

"Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa go'aanka Maxkaamadda sare ee dalka ka qaadatay dacwaddii laanta fulinta laga gudbiyay gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Xisbiga wuxuu faahfaahin doonaa sidda dacwadda kiiskaas loo qaaday iyo go'aanka Maxkamadda".

Bogaadin

Bishii October sanadkii 2019-kii ayay fureen gal-dacwadeedka oo laga gudbiyey Hay'adda Duulista Rayidka markii is-hor-taag lagu sameeyay wafdi uu Shariif hogaaminayey kuna sii jeeday Kismaayo.

Ilyaas Cali Xasan, xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga ahna mudane ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka dalka oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa bogaadiyey "guusha ay gaareen".

"Waxaan si weyn u soo dhoweynayaa guusha Xisbigena kaga guuleystey dacwadii Maamul ee ka dhanka aheyd Dowlada Federaalka Soomaaliya ka laanteeda fulinta, taas oo ka dhalatey is-hor-istaag aan sharciga waafaqsaneyn oo lagu sameeyey qaar kamid ah hogaanka Xisbiga oo safar shaqo ugu socdey magaalada Kismayo, Jubaland," ayuu Senator-ka hadalkiisa u dhigay.

Marka laga soo tago sheegashada xisbiga, illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda Sarre iyo xukuumadda.

"Xukun cadaalad ah"

Axmed Maxamed Sheekh [Koofi], mid kamid ah qareenada difaacayey Himilo Qaran oo go'aanka xeerbeegtada ku sifeeyay "xukun cadaalad ah," ayaa soo bandhigay nuxurka mowqifka Maxkamada Sarre.

Mr Koofi ayaa tibaaxay in garsooreyaasha ay xukmiyeen in is-hor-taaga lagu sameeyay wafdiga uu ahaa "qalad laga galay muwaadiniin" iyo "magdhow lacageed oo la siinayo xisbiga iyo madaxda kale".

Magdhowga ayaa loo cuskaday qarashkii ka baxay mas'uuliyiinta intii ay safarka ku jireen; sidda qiimaha Tikidka, sidda uu xusay Koofi, oo go'aanka ku qeexay "mid caddeeyay madax-banaanida garsoorka".

Sidda laga soo xigtay qareenka, Hay'adda Duulista Rayidka ayaa laga doonayaa in ay magdhowgaas ku bixiso muddo 90-casho ah. Go'aanka Maxkamada Sarre ayaa soo baxay 8-kii April, 2020.

Dabayaaqadda sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii wafdi uu horkacayey Shariif loo diidey in ay u duulaan caasimada ku meelgaarka Jubaland, iyaga oo doonayay in ay ka qeybgalaan caleema saarka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM