XOG: Farmaajo oo ka baaqdey hortagista Barlamanka iyo doorashada Galmudug

Image

MUQDISHO,Soomaaliya- Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo la filayey in maanta uu hortago labada aqal ee Barlamaka Federaalka Soomaaliya ayaa ka baaqdey kadib markii kulan albaabada u xiran yahay uu la yeeshey habeenkii xaley 20 oct,2017 labada Gudoomiye ee aqalada golaha shacabka iyo aqalka sare. Halkaa Ka Akhri

Kulankaan labada gudoomiye la qaateen Madaxweye Farmaajo ayaa yimid kadib markii odayaal gaaraya 50 xubnood ee ka socda beelaha daga maamulka Galmudug habeenkii xaley fidkii hore la kulmeen labada Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamad Cismaan Jawaari kuwasoo u sheegey in Villa Soomaaliya faraha kala baxdo arimaha gudaha ee maamulka Galmudug.

Odayaashaan ayaa ka digey in doorashada Madaxtinimada ee la filayo in maalinta Axada ay ka dhacdo magaalada Cadaado taasoo dabada ka riixayaan Hay'adda fulinta dowlada dhibka ka yimaada mas'uuliyadeeda ay leedahay dowlada gaar ahaan Villa Soomaaliya. Halkaa Ka Akhri.

Wadahadalka dhexmarey odayaashaan iyo gudoonka Barlamanada Soomaaliya kadib ayaa waxay labadaan mas'uul kulan la qaateen Madaxweyaha Soomaaliya kuwasoo ku wargaliyey qodobadii ay kala soo kulmeen waxgaradkii ka socdey beelaha daga maamulkaas.

Gudoomiye-yaasha labada aqal ayaa Madxaweynaha Soomaaliya u sheegey in si deg deg ah xafiiskiisa ( Villa Soomaaliya) iyo Ra'isal wasaaraha faraha ugala baxaan arimaha gudaha Galmudug taasoo sida warsidaha Garowe online fahan san yahay Mudane Farmaajo uu ka balan qaadey in maalinta Axada aysan jiri doonin wax doorasho ah.

Dhinaca kale Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamad Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsadey in kulanka uu la yeelanayo labada aqal baajiyo arimahaan dartood: In markii uu go'aankaan gaaryey uusan kala tashan labada Gudoomiye; In uu kala kulmi doono buuq iyo sawaxan madaama xildhibaanada aysan u diyaarsaneyn iney la kulmaan Madaxweynaha; Maalinta lagu aadiyey kulanka oo bulshada ku abuurtey iney ka hadlaan taariikhda ay leedahay; iyo in marka hore aheyd in lasoo mariyo golayaasha xukuumada iyo guddiyada joogtada ah dalabkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida warar lagu kalsoon yahay aqbaley soo jeedinta labada Gudoomiye isagoo u sheegey in iyaga uu ka warsugayo islamrkaana uu baajinayo kulankaas.

Mudane Farmaajo ayaa qoraal uu habeenkii xaley u direy gudoomiye-yaasha labada aqal ku wargaliyey iney fadhi labada aqal uu maalinta Sabtida 21 Oct,2017 kaga hadli doono xaalada dalka iyadoo dhinaca kale Ra'isal wasaare Khayre ka hordhacey arinkaan isagoo kulan uu la lahaa dhaliyarada gurmadka ka sheegey in madaxweyaha Soomaaliya xaalad deg deg ah ku dhaaawaqi doono maalinta Sabtida ah.

Baaqashada kulanka Madaxweynaha Soomaaliya la qaadan lahaa Barlamanada Federaalka ah ayaa siyaasad ahaan waxaa la sheegayaa in aysan u wanagsaneyn madaxda Hay'adda fulinta oo maalmahaan u muuqdey kuwa kasoo kabanaya arimihii kaga dhacey wareejintii lagu sameeyey sarkaalkii ka tirsanaa Jabhada ONLF.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM