XOG:Maxay kaga hadleen kulankii Farmaajo iyo Xasan Shiikh ku dhexmarey Turkiga?

Image

ANKARA- Kadib markii dalka Turkiga kulan ay ku qaateen Madaxweynaha dowlada Federaalka ah iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mudane Maxamad Maxamad Cabdulaahi Farmaajo loo gudbiyey dalab iyo talooyin ka yimid siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

Madaxweynihii hore 'Xasan Shiikh' oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay xulufo siyasadeed oo hoose yihiin mudanyaal ka tirsan golaha shacabka kuwasoo mucaarad xoogan ku ah siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Khayre.

Wararka warsidaha Garowe Online ka heley ilo xogogaal ah oo ka warhaya kulankaas ayaa sheegaya in mudanyaal ka tirsan labada aqal ee Barlamanka kuwasoo ka kala tirsan urur siyaasadeedyada Daljir iyo Qabyo raadinayaan in xilka Ra’isal wasaaraha iyo xubno ka tirsan golaha xukuumada la siiyo si Madaxweyne Farmaajo uga helo kooxdaan xasilooni siyaasadeed mudada xafiiska uu joogo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud ayaa fariin uu soo dhigey bogiisa Facebook taasoo uu share-gareeyey Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu ku sheegey inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana is waydarsadeen talooyin muhiim ah kuwasoo xusey in loo baahan yahay in la fuliyo si looga gudbo caqabadaha taagan.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Salaad oo lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa fariin uu bartiisa Facebook ku soo qorey ku sheegey in kulankii dhex marey labada Madaxweyne talooyinkii kasoo baxay noqdaan kuwo miro dhal ah.

“Waxaan u rajeynayaa labada Madaxweyne kulankooda talooyiinkii la isku weydaarsaday in ay miro dhal noqdaan inshaa’allaah.”

Tan iyo intii xilka Wasiirka Kowaad uu qabtey Xasan Khayre ayaa waxaa uu la kulmayey mucaaradad kaga imaaneysay xildhibaano ka tirsanaan jirey dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh taasoo caqabad ku noqtey sidii uu u hirgalin lahaa barnaamijyadiisa siyaasadeed.

Ra’isal wasaare Xasan Khayre oo markiisa hore la soo shaqeeyey Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud ayaa xiriirkoodii xumaadey kadib markii la doortey Madaxweyne Farmaajo islamrkana loo doortey Wasiirka Kowaad ee golaha xukuumada.

Khayre ayaa golihiisa xukuumada ee ugu horeeyey ka reebey inuu wasiiro ka siiyo siyaasiyiintii ay xulafada ahaayeen Madaxweynahii hore ee Soomaaliya taasoo sida la rumeysan yahay furo u ah mucaaradada xoogan ay kooxahaan siyaasadeed waqtigaan kala soo horjeedaan.

Xasan Cali Khayre oo madax u ahaa xiligii Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacdey sanadkii 2017  kooxda u oleyneysay “Campaign Manager” dib u Doorashada Xasan Shiikh ayaa si hoose xiriir iyo balan qaadayo siyaasadeed ula galey Team-kii uu hogaaminayey Fahad Yaasiin kuwasoo ka shaqeynayey markaas sidii loo dooran lahaa Maxamad Cabdulahi Farmaajo. 

Khayre oo waqtigaan ay la soo gudboonaatey caqabado dhinaca amniga ah iyadoo ay u muuqato in qorshihiisii xasailinta magaalada Muqdisho fashilmayo kadib markii kooxda Al Shabaab maalmihii lasoo dhaafey qaraxyo la beegsatey baro muhiim ah ayaa waxaa uusan laheyn saaxiibo badan oo siyaasadeed taasoo dadka la socda siyaasada Villa Somalia sabab uga dhigaan inuusan dhageysan talooyinka uga yimaada golihiisa Wasiirada kuwasoo waqtigaan intooda badan ku soo koobey koox aan waxba ka diidi karin.

Wasiirka Kowaad ee dowlada Federaalka ah  ayaa inta uu xafiiska joogey waxaa uu ku guuleystey inuu fuliyo barnaamijka dhaqaale oo ay hay’adaha lacagta " World Bank, IMF." u dajiyeen dalka Soomaaliya 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM