XOG: Tirada hubka dowlada Federaalka Somalia sheegtey iney keentay Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii galabnimadii Jimacaha March 18,2016 ay kasoo dagtey garoonka diyaardaha magaalada Garowe Labo diyaardood ee la sheegey iney hub u sidaan dowlada Puntland ayaa warsidaha Garowe Online isku taxaluujiyey ogaanshaha tirada saanadaan iyo noocyadeeda kala duwan.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in diyaarada koowaad "nooca qaada rakaabka" ay dowlada Federaalka soo saartey 50 kartoon kaluunka qasacadeysan "Tuna"  iyo 45 ( 45X800= 36000 xabo) sanduuq rasaasta loo isticmaalo qoriga AK47.

Diyaarada labaad oo sida aan xogtaan ku heleyno uu ku deeqey wadan kamid ah saaxiibada Somalia ayaa waxaa saarnaa rasaas kala ah; 15 sanduuq rasaasta qoriga PKM ( 15X700= 10,500), 10 sanduuq rasaasta qoriga loo yaqaan Dhashiikaha ( 10X 800= 8000) iyo 70 sanduuq rasaasta AK47 ( 70X800= 56000). 

Xogta warsidaha Garowe Online uu raadiyey ayaa waxaa sababey kadib markii dowlada Federaalka u isticmaashey soo dirista saanadaan bandhig lagu martiqaadey saxaafada iyadoo garoonka diyaardaha Muqdishu hadalo ka jeediyeen qaar ka tirsan wasiirada dowlada Somalia iyo saraakiisha sare ee ciidamada.

Warar aan ka heley saraakiil ka tirsan Puntland oo diidey in aan xusno magacooda xaalada jirta awgeed ayaa sheegey in dowlada Federalka ka codsatey xukuumada Puntland iney soo saarto warsaxafdeed ay ugu mahadnaqeyso dowlada Somalia tageerada ay ka heshey balse ka gaabsadeen.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in shacabka Puntland shaki ka muujiyeen waqtiga lagu beegey soo dirista rasaastaan xilli dowlada Federaalka wel wel weyn ka haysto diidmada Puntland ee nidaamka qaybsiga 4.5.

"Dowlada Federaalka waxey ku guuldareystey soo gudbinta xogta ciidamada al shabaab ee kasoo dagey xeebaha Puntland, madaxweynaha Somalia, RW Cumar Cabdirashid, xafiiska Qaramada u qaabilsan arrimaha Somalia intaba kama hadlin weli weerarka qaawan ee lagu soo qaadey xeebaheena, rasaasta la keeney Garowe waxba ka badali mayso mowqifkeena ku aadan qaabka doorasho ee ka dhaceysa Somalia sanadkaan dabayaaqadiisa" ayuu yiri Cabdulahi Xasan Ismaaciil oo kamid ah dadka dagan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Dowlada Puntland iyo dowlada Federaalka ayaa madaxdooda waxa ay horey u kala saxiixdeen heshiisyo lagu dhisayo ciidamada amniga Puntland iyo iswaydaarsiga xogta la dagaalanka kooxda Al-shabaab kuwasoo aysan waxba ka hirgalin.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM