​Xoosh oo Baydhabo u tagay arrimo ku saabsan dib u eegista Dastuurka Somalia

Image
Image

BAYDHABO, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Dastuurka dalka Somalia, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa magaalada Baydhabo booqday 09 July, 2017, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay kusimaha Madaxweynaha ahna wasiirka Dhaqan celinta iyo hub ka dhigista maamulka Koonfur Galbeed.

Xoosh oo ay kulankaan ku weheliyaan xubno katirsan Wasaaradda iyo la taliyaal ayaa kulan la qaatay mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan sida ugu macquulsan ee dib u eegis loogu samayn karo Dastuurka waddanka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in Maanta 10 July, 2017 magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, uu ka furmo shir arrimahaas lagu faaqidayo, kaasoo ay kasoo qayb galayaan xukuumadda iyo shacabka maamulka Koonfur Galbeed.

Hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay Wasiir Xoosh, wuxuu ku muujiyay xaaladaha taagan isagoo sheegay inay ka go'antahay sidii Barnaamijka uga taaba gali lahaa dalka oo dhan.


“Waxa aan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go’an in aan si daah-furnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo,” Ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh

Wararka ku saabsan socdaalka Wasiir Xoosh ayaa sheegaya in kulamada qayb ka yihiin safaro xiriir ah oo u ku tagayo maamullada waddanka si uu ugasoo dhaadhiciyo in wax kabadal lagu sameeyo Dastuurka.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano katirsan Barlamanka Somalia, ayaa horay walaac uga muujiyay sida Wasiir Xoosh u wado Barnaamijka Dib u eegista loogu samaynayo Dastuurka, waxaana lagu eedeeyay inuu la wareegay Shaqadii loo igmada Guddiyada ka imaanay Labada Aqal ee Barlamanka iyo maamullada Waddanka.

Mas'uulkan ayaa bishii hore booqday magaalada Garowe isagoo ay wehelinayaan xubnaha la socday safarkiisa Baydhabo, wuxuuna kulamo la qaatay Madaxweynaha, bulshada Rayidka ah iyo siyaasiyiinta,

Xaflad uu uga qayb galay magaalada Garowe oo su'aalo lagu weydiiyay wuxuu mugdi galiyay Dastuurka Somalia oo uu sheegay in horay loo saxiixay Hishiis Siyaasadeed.

Tallaabdaas ayaa kusoo aaday xilli lagu eedeeyay inuu dhalan rogay Qodobo ku jiray Dastuurka dalka, isagoo hadda u gogol xaaraya inuu farogalin ku sameeyo qodobo kale sida ay qabaan siyaasiyiinta duraya qaabka uu shaqada u wado.

Labada Aqal ee Barlamanka Somalia, ayaa hadda dib ugu soo laabtay shaqadooda, waxaana u furmay Kalfadhigii labaad, waxaana la filayaa inay ka doodaan qaabka loo wajahayo Dib u eegista Dastuurka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM