Xubno laga eryay sirdoonka Soomaaliya iyo sababta oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka DF ayaa shaacisay inay shaqada ka ruqseysay shan xubnood, oo ay sheegtay in aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA, laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.

Wareegto kasoo baxday Hey’adda, June 18 ayaa qeexday in shan xubnood oo ka horyimid hanaanka shaqo gudasho, sidaas darteedna ay ku waayeen xubinnimadoodii NISA, oo ah hey'ad sirdoonka uu Mareykanka maalgeliyo.

NISA ma aysan shaacin magacyada shanta xubnood ee shaqada laga eryay.

Hey'addan dhinaca Sirdoonka qaabilsan ayaa waxaa hadda hogaankeeda haya, Fahad Yaasiin oo agaasime KMG ka ah, isagoo sidoo kale ah ku xigeenka agaasimaha, xilkaasi oo uu Farmaajo u magacaabey August, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM