Xukuumada oo qaadeysa xayiraadii dhaqaale ee ay gelisay Galmudug

Image

CADAADO, Galmudug - Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Xaaf ayaa ku heshiiyey in xukuumada ay maamulka Galmudug dib ugu fasaxdo dhaqaalihii ay ka jaratay, sida ku cad war kasoo baxay kulankooda.

War-murtiyeedka oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa wuxuu yimid kadib markii wada hadalo muddo qaatay ay magaalada Cadaado ku yeesheen dhinacyadda maanta oo Jimce ah illaa iyo xalay.

Lacagta ay madaxtooyada ka joojisay Galmudug oo timid kadib khilaaf ka dhex-qarxey ayaa ah deeq ka timid beesha caalamka taasi oo loogu talogalay in wax looga qabto arrimo ay kamid tahay amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Xaaf ayaa kahor is-afgaradkan dhowr jeer ku tilmaamay talaabada ay dowladda maamulkiisa kaga jaratay deeqaha "cunaqabeyn dhaqaale oo lagu soo rogay".

Dhinacyada ayaa is-fahan ka gaarey arrimo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo xalinta kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qodobo la sheegay in ay isla meel-dhigeen dhinacyadda ayaa kala ah;

1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.

2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra'iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.

3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay'adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.


Is-afgaradkan oo imaanaya kadib safar uu degaanada Galmudug ku joogo Khayre ayaa soo gabagabeynaya khilaaf in muddo ah ka dhaxeeyay Villa Soomaaliya iyo Xaaf wallow ay calaamad su'aal dul-saaran tahay fulintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM