Xukuumadda oo iclaamisay in dalka "u dhaqaaqayo" doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in dalka u dareerayo doorasho xilli uusan wali soo magacaabin gole wasiiro oo xukuumadii lumisay kalsoonida xeer-dejinta.

Isagoo kasoo muuqdey muuqaal soconaya ku dhowaad shan daqiiqo oo bartiisa gaarka ah ee Facebook lagu faafiyey, Rooble ayaa shacabka iyo Beesha Caalamka waydiistay in ay ka taageeraan xukuumadiisa ku guuleysiga waajibaadka.

"Aniga iyo xukuumaddeydu waxaan hoggaamin-doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah. Doorasho2020/21. Hal ku dhiga xukuumadeydu waa doorasho ayaa loo dhaqaaqay," ayuu yiri.

Wasiirka koowad ee xukuumadda dhexe ayaa bogaadiyey heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda iyo maamuladda.

Hay'addaha kala duwan ee dowladda ayuu ka dhawaajiyey in loo qeybiyey faafinta rasmiga ah iyo habraaca dhaqan-gelinta, isagoo faray in ay fuliyaan.

Heshiiskaas ayaa xeerinaya in doorashadda baarlamaanka dhacdo 15 October illaa 15 November, halka tan gudoonka labada aqal iyo madaxweynaha xiga loo muddeeyay in ay dhacaan inta u dhaxeysa 8 Janaayo illaa 8 Febraayo.

Dhaqan-gelinta heshiiskaan waa waajibaadka ugu culus ee horyaala Rooble oo 17-kii September saacado kadib markii la saxiixay uu magacaabay Farmaajo.

Shaacintiisa in waddanka u jiheystay doorasho waxay imaaneysaa maalin kadib markii lagu waramay in uu shir albaabada u xiran isugu yeeray wasiirada sii-haayeyaasha ah, wallow aanan wali la ogeyn fahfaahinta iyo ajendahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM