Baarlamaanka Somaliland oo waqtiga loo kordhiyey xili uu khilaaf jiro

Image

HARGEYSA, Somaliland – Golaha Guurtiga ee Somaliland oo Sabtida maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntooda magaaladda Hargeysa ayaa muddo kordhin laba sano ah u sameeyay Golaha Wakiiladda.

Shirka oo uu gudoomiyey Saleebaan Maxamuud Aadan, afhayeenka Aqalka, ayaa waxaa soo xaadirtay 71 Sharcidejiyeyaal, sidda ay ku dhawaaqday xogheynta.

Saciid Timo-weyne, ku xigeenka afhayeenka, ayaa kahor inta aysan guda gelin coddeynta wuxuu u mariyey mudaneyaasha warbixinta Guddiga loo saarey waqtiga kordhinta oo aad loo hadalhayey.

Qodobadda ugu mudan ee warbixinta ku jiray ayaa waxaa kamid ah in Guddiga uusan la kulmin xisbiyadda mucaaradka oo diidan kordhinta iyo in waqti ku darsiga Golaha ay noqoto muddo 24-bilood.

Muddo xileedka labada sano ah ee haatan loo kordhiyey ayaa billaabmeysa bisha Jannaayo ee sannadka soo aadan ee 2020-ka iyadoo dhamaan doonta marka la gaaro bisha koowaad ee sannadka 2022-ka.

Gudoomiye Saleebaan oo qiray in talaabadan ay qaadeen bulshadda ku kala qeybsan tahay ayaa ku qeexay mid dhabaha u xaareysa in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka.

Golaha Wakiiladda oo shaqeynaya tan iyo sanadka markii uu ahaa 2005-tii aaya muddo kordhintan waxay kaga dhigan tahay in markii lixaad, taasoo cimriga ay jiraan ka dhigeysaa 17-sano oo xiriir ah.

Talaabadan Golaha Guurtiga ayaa kusoo aadaysa xili uu xoogeystay khilaafka dhanka doorashooyinka ee xisbiyadda isla markaana uu burburay dedaalo la doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhalatay.

Xisbiga UCID iyo WADDANI oo doonaya in doorasho la qabto ayaa cadaadiska ku kordhiyey KULMIYE oo taladda haya isla markaana uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu eedeeyay "talo diid".

WADDANI oo banaanbaxyo iclaamiyey ayaa laga xiran mas'uuliyiin aan dacwad lagu soo oogin. Hogaamiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cirro ayaa GO u sheegay in talaabadda xukuumaddu tahay "sharci darro".

Waqti ku darsiga ayaa sidoo kale waxaa lagu qeexay talaabo carro ku abuureysa Beesha Caalamka oo aad u daneynaysa in doorashooyin ay qabsomaan si aysan meesha uga bixin dimoqraadiga.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-dii, balse wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul hoostaga xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM