Biixi oo sababeeyay xiriirka liita ee kala dhaxeeya madax dhaqameedyada

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horeysay sharaxaad wuxuu ka bixiyey sababta keentay in uusan fiicneyn cilaaqaadka xukuumadiisa iyo madax-dhaqameedyadda.

Odayaasha dhaqanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa dhinacyadda kaalinta ku leh jaan-goynta siyaasadda Soomaalidda si gaar ah Somaliland oo marka ay siyaasiyiintu is-qabtaan in ay u kala dab-qaadi jireen.

Hase ahaatee, tan iyo markii la doortay Muuse Biixi waxaa aad u yaraadey doorkooda, taas oo dhalisay in ay dhaliileen maamulkiisa. Intaas waxaa wehlisa in qaarkood la xiray markii ay dhaleeceeyeen.

"Arrintaas waxaa lagu sababeynayaa, annagu markaan meesha nimid, waxaanu kala saarnay xukuumadii iyo shicibka," ayuu u sheegay VOA.

Madax dhaqameedyadda, ganacsatadda iyo shacabka ayuu xusay in ay wada shaqeyn la leeyihiin kana dhageystaan oraahyadda.

"Laakiin, waxaanu kala ilaalinaa xukuumadda iyo dhinacyadaas isku wada qasmaan, waayo xukuumadda shaqeyn meyso, iyadda way ka duwan tahay xukuumaddu, madax dhaqameedyo lama doortee waa dhaxal, ganacsigu isagaa maalkiisa leh, laakiin xukuumadaha, imtixaan baa daba yaala; waa lagu doortee maxaad qabatay, balantii maxaad qabatay, markaa hadii hay'addahaas xorta ay ku milanto talaabo qaadeyso, marka annaga culeyskaas baa na saarey sidaas darteeda bey howsheena gaar noogu tahay, qolooyinka kalena aan wada-shaqeyn ula leenahay," ayuu Muuse Biixi hadalkiisa kusoo koobay.

Dhanka kale, Biixi ayaa meesha ka saarey in ay Somaliland dib ila midoobeyso Soomaaliya haddii isaga laga dhigayo madaxweynaha dowladda federaalka ah. Wuxuu sheegay in aysan dhici karin hadii qadiyadooda la aqoonsan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku sifeeyay "caqabadda ugu weyn ee hortaagan icritaaf ay ka helaan Beesha Caalamka".

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, tan iyo xiligaas ma helin aqoonsi caalami ah, waxaana aduunyadda ay u aragtaa maamul si toos ah u hoostaga xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM