Boqor Buur-madow oo xukunka laga khafiifiyey, dibna loo xukumay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa xukunka ka khafiifisay boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw, kadib markii uu racfaan ka qaatey xukun 5 sano oo xabsi ah oo dhawaan Maxkamada Maroodi-jeex ku riday.

Maxkamada rac-faanka ee Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa ogolaatay racfaan uu xukun Shan sano ahaa oo ay horey ugu riday Boqor Buur-madow, oo kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed.

Boqorka ayaa waxaa lagu xukumay Shanta sano bishii Abriil ee sanadkaan 2018, gaara ahaan 26-keeda, iyadoona xukunkaas uu dhaliyay Khilaaf masuuliyiinta Somailand dhex-diisa ah, maadaama madaxda ay isku beesha ahaayeen boqorka ay ka gadoodaan.

Ugu dambeyn, Rac-faan uu ka qaatay xukunka lagu riday ayaa waxay maxkamadu ay mar kale ku xukuntay Boqorka saddex sano oo xabsi ah, sida ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Rac-faanka ee maamulka Somaliland.

Boqor Buur-madow ayaa waxaa lagu soo eedeeyay laguna xukumay inuu ka been abuurta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inuu ka qayb-galay Caleemasaarka Ugaaska Beel-daaje iyo waliba dacaayad ka dhan Somaliland.

Wuxuu kamid noqonayaa Boqolaal dad ah oo ku jira Xabsiyada kala duwan ee Somaliland, kuwaasoo ay ku jiraa wariyaal, islamarkaana lagu haysto kiisas lamid ah midka lagu xukumay Boqor Buur-madow, iyadoona ay jiraan kuwa aan la xukumin wali.

Xukunkaan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhowaan Hay’adda udooda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ay ku eedeysa Somaliland inay ku tomato xuquuqda aadanaha, islamarkaana dadka ay udiido inay cabiraan fikirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM