Cirro oo Fariin U Direy Taageerayaashiisa Lana Hadlay Guddiga Doorahsada ( Daawo)

Image

HARGEYSA - Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi ( Cirro) oo la hadlay tageerayashiisa ayaa sheegey in ay is-dajiyaan isaoo dhinaca kale fariin u direy Guddiga doorashada kadib markii cabasho ay u gudbiyeen aysan kasoo jawaabin.

Cabdiraxman Cirro ayaa sheegey in guddiga doorashada ka codsadeen in natiijadii codka gobolka Maroodijeex 40% dib loo tiriyo kadib markii ay dareemeen in mugdi badan ku jro degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley balse Komishanku jawaab ku soo celin.

" Aniga oo ah musharax xisbiga Wadani iyo Gudoomiya xisbiga waxaa labo jeer u tagey  guddiga doorashada, qoraal-na waanu u gudbiney cabashooyin ku saabsanaa saxitaan ah in naloo naloo tiriyo sanaadiiq gaar ahaan gobolka Maroodijeex 40% anagoo dareeney in mugdi badani ku jro degmooyinka Gabiley iyo Hargeysa labadaba, Komishanku jawaab nagasiiyo, ma jirto jawaab ilaa hadda nagu soo celiyeen Kommishanku." sidaas waxaa yiri Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxman Cirro.

Cirro ayaa war saxafadeedkaan ku sheegey in amar ku baxsheen in dhamaan wakiilada Xisbiga Wadani ee la shaqeeynayey Komishanka heer gobol, degmo iyo heer Qaran joojiyaan shaqadii ay wadeen ilaa iyo inta Komishanka ka jawaabayo cabshada aan u gudbiney.

"Waxaan ugu baaqeynaa tageerayaasheena iney naga warsugaan hadii ilaah yiraahdo, waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqeynaa in fariinteenu aheyn mid xaalad ka abuureysa balse ay tahay si loo saxo arintaas si aan u helno natiijo cid waliba ku qanacsan tahay iyadoo Somailand ku dhisneyn is-muquunin, waxaana u soo jeedinayaa Komishanka qaranka inuu ku soo noqdo xayndaabka wadatashiga iyo is-qancinta." ayuu hadalkiisa sii raaciyey Musharax Cirro.

Mudane Cirro ayaa tageerayshiisa markale ka codsadey iney is-dajiyaan madaama cabasho u gudbiyeen Guddiga doorashada isagoo hoosta ka xariiqey iney aqabalayaan doorasho xor ah oo xalaal hase yeeshee aysan aqabali doonin in Cod Xaraan ah ciddina ku badiso.

Hadalka Musharaxa Xisbiga Wadani ayaa yimid kaidb markii goor sii horeysa galabta iyo caawa fiidkii mudaharaadyo rabshado wata ka dhaceen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada amniga gaar ahaan kuwa Malateriga soo faragaliyeen.

Magaalada Burco ayaa la sheegayaa in tageerayaasha Xisbiga Wadani weerareen xarunta Xisbiga Kulmiye iyo goobo ganacsi oo lagu tuhmayo iney leeyihiin ganacsato tageersan Musharax Biix.

Dhinaca kale Guddiga doorashada oo warsaxafadeed qabtey ayaa sheegey in dhamaan xubnihii Komishinka ku soo wada xeroodeen magaalada Hargeysa sidaas darteed ay albaabadooda u furanyihiin in Xisbiyadu soo gudbiyaan cabashooyinka ay qabaan iyagoo codsadey in dadweynihu is-dajiyaan.

Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa xusaya in ku dhawaaqista natiijada doorashada dib loo dhigey muddo Labo cisho ah iyadoo la filayo hadii Guddiga doorashada qanciyaan cabshooyinka xisbiga Wadani iyo kuwo kale in maalinta Axada ku dhawaaqaan.

Xogaha hordhaca ayaa sheegaya in tirinta codadka ilaa iminka ku horeeyo Xisbiga Kulmiye iyadoo wararkaas soo baxay ay sababeen in taageerayaasha Wadani dariiqyada u soo baxaan si ay uga hortagaan ku dhawaaqista Natiijadaas.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM