Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay oorintii Farmaajo, fariina u diray Geelle

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiga mucaaradka ah ee UCID kana jira degaanadda Somaliland ayaa taageeray oorintii mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ay shalay ku sameeyeen madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbigaas oo warbaahinta kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa bogaadiyey talaabadaas.

Tirro kamid ah xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku fooriyey kuna buuqay Farmaajo intii ay socotay khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka iyo Senate-ka.

Mudaneyaasha oo kadib la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay talaabadaas u qaadeen "degaanadooda oo dowladdu go'doomisay, khudbada madaxweynaha oo aan ku jirin xaalada dalka iyo in ay olole ahayd".

Gudoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka bulshadda ee UCID,Faysal Cali Waraabe ayaa hambalyo iyo dhiiragelin u diray Xildhibaanaddaas.

"Baarlamaankii Muqdisho waan tahniyadeynayaa siddii ay maanta ninkii [Farmaajo] isaga celiyeen, way iska celiyeen, waxay tuseen in ay iyagu dalka leeyihiin, way ku fooriyeen, annaga waxaan idin leenahay gacan-baan idin taagnay, waan tahniyadeynayaan," ayuu yiri.

Mr Waraabe ayaa kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee sidda furan uga hadla arrimaha dowladda Soomaaliya xilli ay jirto in xiriirka u dhaxeeya maamulkaas iyo dowladda Farmaajo uu aad u hooseeyo.

Dhanka kale, Faysal Waraabe oo taageeray dibad-baxyadda Jabuuti ayaa ugu baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu sii daayo duuliyaha xiran isla markaana uu joojiyo cadaadiska iyo kalitalisnimadda.

"Waqtigii gacan-maroojiska iyo kalitalisnimadda wuu dhamaadey. Ismaaciil Cumar Geelle waxaan leeyahay cadaalad ka shaqeey, aakhiradaa ka shaqey, waa lagu su'aali doonaayee," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Isu soo baxyadda ka bilowday Jabuuti ee looga soo horjeedo dowladda Geelle ayaa ka dambeeyay markii Fu'aad Yuusuf Cali uu xabsiga kasoo dhex-hadlay kana dayriyey xaaladiisa caafimaad uuna xiran yahay laba bilood.

MUUQAALKA FAYRSAL CALI WARAABE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM