Faysal Waraabe oo si kulul u jawaabay, Biixi-na u hanjabay [DAAWO ]

Image

HARGEYSA - Gudoomiyaha Xisbiga mucaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu u jawaabay dhaliil-na u jeediyey Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Biixi ayaa ku eedeeyay axsaabta siyaasadda inay majaxaabinayaan doorashooyinka gollayaasha degaanka iyo sharcidejinta, kuwaasi oo lagu wadey inay ka qabsoomaan  maamulkaan gooni isku taaga ah, bilaha soo socda.

Balse, Faysal ayaa garabka ku dhuftay isaga oo tibaaxay in madaxwaynaha uu mas’uuliyadda isagu qaadayo hadii doorashadda oo haatan qabsoomideeda uu mugdi ku jiro ay dib u dhacdo waqtigeeda.

“Inaga ma hayno wax mas’uuliyad ah, isaga ayaa qaadaya. Madaxwaynaha wuxuu doonayaa in wax kasta lagu xaliyo si hoose taasi oo uu ku noolaa 28-kii sano ee lasoo dhaafay, balse haatan socon mayso 'aniga ayaa wax kasta ah' waxaan siinay kalsooni anaga oo u tureyna qaranka,” ayuu yiri Faysal.

Si lamid ah, Biixi ayaa daboolka ka qaaday in xisbiyadda UCID iyo WADDANI hogaamiyaashooda ay codsadeen inuu kala dirro Guddiga doorashadda, taasi oo uu xaqiijiyey Mr Waraabe, in xisbigiisa codsigaas ka imaan.

“Xisbiga WADDANI ayaa codsaday in la kala dirro Guddiga doorashadda iyo in labo xubnood lagu kordhiyo. Aniga tan iyo doorashadii waxaan ka shaqaynayey sidii dadka loo midayn lahaa. Laakiin, Madaxwaynuhu diyaarba uma ahan in xal la helo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Inta uu ku guda jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Biixi Sabtidii arrimaha kale ee uu soo qaaday waxaa kamid ah guushiisa, isaga oo afka ku balaariyay inuu diyaar u yahay in dib loo tirriyo codadkii uu ku helay guusha.

Laakiin, Faysal Waraabe oo arrinkaasi si gaar ah udul-istaagay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxwaynaha uu haatan shaki geliyo sharciyadiisa, uuna ku baaqo in maxkamadda ay geeyeen xisbiyadda mucaaradka.

“Madaxwaynuhu 45 daqiiqadood oo aan nuxur lahayn buu hadlay, taasi oo uu kusii kala fogeeyay shacabka. Guushii aanu inaga siinay inuu maanta calaamad su’aal saaro oo uu qirto inuu sharcidaro yahay, waan ka xumahay, taasi oo ay xitaa beesha caalamku wax naga waydiisay,” ayuu raaciyay.

- Waraabe oo 'u goodiyay' Muuse Biixi –

Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa difaacay go’aankii ay xisbiyadda mucaaraadka ku iclaamiyeen shir beeleed ka dhan ah Biixi, kaasi oo uu xusay inay dib u eegis ugu sameyn doonan arrimo kala duwan, isaga oo carabka ku adkeeyay in go’aan kasoo saari doonan hadii uu xilka sii haynayo Muuse.

“Shir-waynaha Qaran waxaa lagu qiimayn doonaa wixii noo qabsoomay 20-kii sano ee aan jirnay, dowladda maanta jirta, sharciyada Baarlamaanka, waxaan la qiimeynayaa madaxnimadda Muuse, tallo ayaa kasoo baxaysa, hadii la arko inaanu sharciyad ku joogin Baarlamaanka 15-sano, maxkamada ayaa la geynayaa, ama shir beeleed halagu doorto ama cod haloo qaado, sii fadhiyi maayo madaxwayne aan waxba qaban karin, yeeli maynayo in isaga oo fadhiyo dalka nagu burburo, waan iska qabaneynaa Muuse,” ayuu daba dhigay.

Faysal Cali Waraabe ayaa cod dheer ku sheegay in xukuumadda hadda ka jirta Somaliland ay ku fashilantay dhinacyadda amniga, xiriirka caalamiga ah iyo bixinta mushaharadaka ciidamadda, oo uu afka ku balaariyay in Boolisku aanan qaadan wax guno muddo bilooyin ah.

“Intii aan aniga dalkaan u dagaalamayey isaga dabaqyo ayuu dhisanayey, halka aniga ay caruurteydii u geeryoodeen, sida aan Aabaheyga uga hor-istaagay markii uu dagaalkii sokeeyay galayey ayaan adiga [Muuse Biixi] ku joojinayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Faysal Waraabe.

Faysal Waraabe ayaa kamid aha siyaasiyiintii qaybta ka ahaa in xisbiga Wadani ku giuleysto Doorashada Somaliland isagoo u muuqdey xiligaas mid gacansaar la leh xisbi xaakinkii Kulmiye. 

Somaliland ayaa u muuqata mid lugaha lasii galaysa khilaaf siyasadeed , taasi oo salka ku haysa doorashooyinka Gollayaasha degaanka iyo Baarlamaanka, oo haatan uu shaki ku jiro qabsoomidooda, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkaan uu sii xoogeysto.

 

Halkaan ka daawo warsaxafadeedka Faysal Waraabe 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM