​Garabka katirsan xisbiga UCID oo dawcad gubiyay

Image

HARGEYSA- Garabka uu hoggaamiyo musharraxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa dacwad ka dhan ah guddoomiyaha xisbigaa Faysal Cali-waraabe u gudbiyey guddida diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasisadda Somaliland.

Garabkan oo wata garyaqaanno sharciga aqoon durugsan u leh, ayaa ka cabanaya ku takri fal dhinaca awoodda ah oo ay sheegeen inuu guddoomiye Faysal Cali­waraabe kula kacay xubno uu kamid yahay guddoomiye­ ku­xigeenka saddexaad ee xisbigaas oo dhawaan xilka laga qaaday.

Xubnaha dacwadda gudbiyey oo iskugu jira xildhibaanno, guddoomiyeyaal iyo saraakiil sare oo UCID katirsan, ayaa caddeeyey inay sharci yaqaanno gaar ah u igmadeen dabo galka iyo ka miro dhalinta dacwadda ka dhanka ah Faysal.

Natiijada kasoo baxda dacwadda loo gudbiyey guddida diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta Somaliland oo muddo qaadan doonta ayaa la filayaa inay horseedi doono dacwad kale oo garabkani u gudbin doono dhinaca maxkamadda, iyadoo jawaabta la siiyaana ay lifaaq u noqon doonto dacwadooda dambe.

Khilaafka xisbigan, ayaa yimi kadib markii uu Faysal Cali­waraabe meesha ka saaray musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen, isla­markaana xisbiga ka eryay saraakiil sare oo xisbigiisa kamid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM