​Golaha dhexe xisbiga Waddani oo Murashaxiin doortay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Shirweyne golaha dhexe xisbiga Waddani ku yeeshay magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland, waxay ku doorteen murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbigaas uga qayb gali doona doorashada dhici doonta 2017.

Hoolka doorashada, waxaa joogay 629 xubnood uu cod u qaadayay murashaxiinta u taagan labada jago ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Guddoomiyaha Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa helay codadka dhammaan ergada shirka joogtay, waxaana ogolaatay inuu doorashada matalo Ergo gaaraysa 629.

Ku-xigeenkiisa, waxaa loo doortay Maxamed Cali Cabdi oo helay codad gaaraya 581, wuxuuna loollanka kaga adkaaday murashaxa kale ee lagu magacaabo Axmed Muumin Saciid oo helay 44 cod, waxaana ka aamusay 4 Ergo.

Mar ay ka hadleen dareenkooda, waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin kalsoonida ay ka heleen Ergada iyagoo uga mahadceliyay sida wanaaga iyo sharafta leh  ee ay codkooda ugu hibeeyeen.

Madasha codaynta, waxaa ka muuqday siyaasiyiin dhawaan kusoo biiray xisbiga Waddani oo isaga soo baxay Kulmiye.

Labadan mas'uul ayaa Waddani u matali doonta doorashada la filayo inay qabsoonto horraanta sannadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM