Jabuuti oo xadka Somaliland u xirtey cabsida faafitaanka Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Dowladda Jabuuti ayaa lagu waramay in Sabtida maanta ay gabi ahaanba joojisay dhaqdhaqaaqa xuduudka Somaliland.

Go'aankaas oo labada dhinac aysan si furan uga hadlin wali ayaa lala xiriiriyey cabsida laga qabo faafitaanka caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Ganacsato doonayey in ay ka talaabaan sohdinta ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyey in loo sheegay xirnaanshiyaha xuduudka.

Dadkaas oo dalbanaya in xaaladaas wax laga qabo ayaa waxaa sheegay in ay ku xiran yihiin degaanka Law-yacaddo.

Jabuuti ayaa asbuucii hore xaqiijisay kiiskii koowaad ee fayruskaas dilaaga ah. Ruux la socday wafdi ciidan oo Spain ka yimid ayaa laga helay.

Xubnaha kale ee la socda wafdiga ayaa la geliyey karan-tiil, sidda ay war-saxaafadeed ku shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti.

Somaliland ayaanan wali laga helin wax kiis ah. Balse, dowladda Soomaaliya waxay hal kiis ka heshay muwaadin ka yimid Shiinaha.

Xukuumadda Muqdisho ayaa joojisay duulimaadyadda caalamiga ah, iyaddoo la fasaxay waxbarashadda si lamid ah la joojiyey kulamada dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM