Maxaa ka jira in Xafiiska Somaliland ee Addis Ababa la xiray?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Mudooyinkii dambe waxaa soo ifbaxayay warar sheegayay in gabi ahaanba la xiray Xafiiska Somaliland ku lahayd magaalada Addis Ababa, kadib markii uu Abiy Axmed talada dalkaasi la wareegay bishii April ee sanadkan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxba aysan ka jirin wararkaasi, islamarkaana wali sidiisii uu shaqeynayo Xafiiskooda.

"Waxba kama jiraan in la xiray Safaarada Somaliland ee Addis Ababa. Sidii hore ayay u shaqaynaysaa. Waxaana rajeynaynaa inuu sii shaqeeyo," ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland u sheegay warbaahinta.

Dr Sacad ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Isbedaladda ka dhacaya wadanka Itoobiya ee uu hormuud ka yahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed aysan saameyn ku yeelan doonin xiriirka Somaliland kala dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa.

"Cilaaqaadka nagala dhaxeeya Itoobiya, waa mid ku saleysan isku daneysi, waxaana rajeynaynaa inuusan wax saameyn ah ku yeelan doonin isbedalada Abiy Axmed, uuna sii jiri doono xiriirkeena," ayuu Dr Sacad daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Wasiirka oo soo hadalqaaday wadahadaladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu diyaar u yahay mar walba Wadaxaajoodka, laakiin wuxuu shuruud uga dhigay in marka hore loo hogaansamo heshiisyadii hore.

 Wasiir Sacad oo si kooban uga hadlay halka uu marayo qorshaha ballaarinta Dekadda Berbera ayaa sheegay inuu wali socdo, islamarkaana la keenay Dekadda Qalab casri ah, kuwaasoo wax ka bedal loogu sameynayo adeegyadda Dekadda.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa heshiis kula gashay Somaliland inay maalgashi ku sameyso Dekedda Berbera, kaasi oo ay saami dhan 19% ay ku yeelan doonto Itoobiya, kadib heshiis ka dhacay Dubai April 2018.

 - Shirka Brussels -

Wasiirka oo ka hadlay Shirka ka socda maalintii labaada magaalada Brussels ayaa shaaciyay in Somaliland aysan waxba ka khuseynin kulankaasi, maadaama loo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Mar wax laga waydiiyay arinta joojinta qoondadii Somaliland ee deeqaha beesha caalamka, ayuu ku jawaabey: "Soomaaliya markii horeba iyadu ma bixinaynin lacagta, ee beesha caalamka ayaa bixiya, iyaga ayaana og sidii ay ku bixin lahaayeen."

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Somaliland aysan ahayn maamullada xubaha ka ah dowladda Federaalka, sidaasi darteedna ay ka donayaan caalamka inuu si gaar ah ula macaamilo, oo u siiyo qeybtooda deeqaha dhaqaale ee ay uga tala-galeen.

Hadalka Dr Sacad ayaa jawaab u ah qorshe cusub oo ay wadaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, oo ay uga dalbadeen deeqbixiyaasha inay joojiyaan lacag deeq ah oo Somaliland la siin jiray tan iyo 2013, taasoo waqtieedu dhacay 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM