​Mayorka Berbera oo ka hadlay wariyaasha la xiray

Image

HARGAYSA- Mayorka Degmada Barbara ee gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland Cabdishakuur Maxamud Ciddi, ayaa ka hadlay wariyaasha lagu xiray magaaladaasi, wuxuuna sheegay inay qayb ka yihiin khal khal galinta amniga iyo ka shaqaynta fidnada.

Ciddin oo warbaahinta kula hadlayay magalada Hargaysa, ayaa sheegay inay la kulmeen madaxda warbaahinta islamarkaana isla garteen in hormarka laga shaqeeyo, balse taasi dhici wayday.

"Barogogaandada ayaa ka daran dilka oo waatuu ilaahay Qur'aankiisa ku sheegay, wariyaasha gobolka Saahil, waxaan u aragnay inay ka shaqaynayaan fidinada iyo dhibaatada gobolka, sidaas darteeda annaga waajib ayaa naga saaran sidaan uga hortagi lahayn, "Ayuu yiri Mayorka Berbera.

Wuxuu baaq u jeediyay dhammaan saxafiyiinta gobolka isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka islamarkaana ka waantoobaan inay khal khal galiyaan ammaanka.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli 26-kii May, 2016 lagu xiray magalada Berbera Wariyaal saddex ah, kuwaasi oo maamulku ku dhaliilay ka shaqaynta arrimo liddi ku ah hormarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM