Biixi oo naqdiyey inuu COVID-18 ku dhaco dadka aan Muslimka ahayn

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka warbixiyey xaalada cudurka COVID—19 ee ka dhasha fayruska Corona ayaa wuxuu sheegay in illaa iyo haatan aysan qaban wax kiis ah.

Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay Madaxtooyadda ayaa sheegay in ay adkeeyeen xadka iyo garoomada diyaaradaha.

Maxaabiista, dhakhaatiirta iyo ciidamadda ayuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in aad loo ilaaliyo badqabkooda.

"Intaas waxaa ka badan inta qayisha oo u baahan in ay is-ilaaliyaan," ayuu raaciyey, isagoo qiray muhiimada ay leedahay in la joojiyo kulamada dadweynaha, talaabadaas oo dunida isku raacdey.

Wuxuu raaciyey: "Aduunka oo dhan wuxuu isku raacay malahan daawo laakiin waa laga hortagaa. Talaabooyinka looga hortagana waxaa kamid ah in meelaha lagu soo uruurayo la daayo".

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu booriyey in ay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee loo jeediyo "si leysku waafujiyo ka maaran-waaga nolosha ee isu-imaatinka suuqyada iyo caafimaadka".

Dadkaa "lagu amausinayaa"

"Waxaan doonayaa in aan u sheego Ummadda Somaliland in wixii maanta ka dambeeya aynu ku soconeyno awaamiirta wasaaradda caafimaadka, cid kale amar kama bixin karto, cid kale kama warami karto. Aniga oo madaxweynaha ah waxaan raacayaa amarka uu u siiyo dhakharta u hadla wasaaradda caafimaadka, sidaas danteena ayaa ku jirta," ayuu xusay.

Isagoo ku nuux-nuux saday in ciddii aan dhaqan-gelin talaabadaas la marsiino sharciga, Muuse Biixi Cabdi ayaa saraakiisha ciidamadda, mas’uuliyiinta iyo shacabak ku waaniyey arrintaas.

Mar uu soo hadal-qaadey hadalheynta ku saabsan in cudurka uu kaliya haleelo dadka aan Muslimka ahayn, hogaamiyaha maamulka Hargeysa ayaa u sheegay culimada in ay ka hadlaan arrintaas.

"Adeer bini'aadamku waa isku mid. Qaar Islaam ahna wuu ku dhacay sina waa looga taxadaray oo waa looga hortegay. Dadkaa lagu aamusiinayaa cudurka Muslimka kuma dhacee, dadka haloo sheego sina halooga wada taxadaro," ayuu kusoo xiray.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili Dowladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqdey in kiiskii ugu horeeyay ee xanuunkaasi ah laga helay Muqdisho. Muwaadin ka yimid Shiinaha ayaana qaba.

MUUQAALKA BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM