Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsadey maxaabiis dagaal

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Dowladda Puntland iyo Somaliland ayaa is-weedaarsaday 16 maxbuus dagaal - 13 oo maamulka gooni isu taagga ah xorriyadooda u celiyey iyo 3 xabsiga Garowe laga soo daayey. 

Ciidamadda ayay dhinacyadda isaga kala qabteen isku dhacii ka dhacay tuulada lagu muran-san yahay ee Tukaraq, sanadkii hore, gaar ahaan bishii koowaad.

Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta cas oo fududeeyay isu wareejinta maxaabiista ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda oo labada caasimadood ka kala dhacday.

War-saxaafadeed uu Guddigu soo saarey ayaa waxaa uu ku shaaciyey in uusan goobjoog ka aheyn wadahadalka lagu sii daayey balse uu kaliya fududeeyay.

Maxaabiista ayaa waxay saacado isku mid ah waxay uga kala duuleen magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, halkaasoo ay si nabadgalyo ay ku tageen.

"Diyaarado khaas ah oo aan u dirnay labada magaalo. Waxayna si nabad-gelyo ah ugu laabteen hoygooda, waana u mahadcelineynaa labada maamul," ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxtooyadda maamulka Hargeysa oo isku deyday in sii deynta maxaabiista ay ka dhigato "boor isku qaris" ayaa bishii hore ka been-sheegtay markii ay baahisay in uu cafiyey Muuse Biixi.

Talaabadan oo lagu sifeeyay mid dhinaca nabaddeynta gobolka Sool loo qaadey ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo maalmo qura ay ka harsan tahay Ciidul Fidriga.

Xoogaga Somaliland oo duulaan kusoo qaadey Tukaraq oo gobolka Sool ka tirsan ayaa wali baaqi kusii ah iyadda ay socdaan dedaalo caalami ah oo la doonayo in xiisadda arrintaasi ka dhalatay lagu qaboojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM