​Somaliland: 5 ruux oo ku dhintay shil gaari

Image

HARGEYSA- Shan qof oo dhammaantood rag ahaa, ayaa dhintay mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac culus, kadib markii ay laba booyadood oo nooca biyaha qaada isku dhaceen deegaanka Halleeya ee bariga magaalada Hargeysa.

Baabuurtan isku dhacday ayaa la sheegay inuu ku socdeen xawaare sare, waxaana adkaatay in si sahal ah looga soo saaro maydhka iyadoo markii dambe la doonay wiisha kala fujiyay booyadahaasi oo aad isugu isku dhexgalay.

Meydadka dadka dhintay ayaa loo qaaday cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kale lala tacaalayo qofkii lixaad ee baabuurtaas saarnaa oo isaga laftiisu wali miyir la’aan ah.

Dadka dhintay ayaa iskugu jirey wadayaashii labada gaadhi iyo qaar kamid ahaa shaqaalahoodii, waxana uu shilkani dhacay xilli aroor hore ahayd oo dadka badankoodu hurdeen.

Booyadaha biyaha keena caasimadda Hargeysa, ayaa inta badan xawaare dheereeya ku orda, waxayna khasaare gaadhsiiyaan baabuurta rakaabka sidada ee laamiga dheer isticmaala, iyadoo marar badan digniino laga soo saaray.

Shilalka gaadiidka ayaa ku badan Somaliland, waxana xusid mudan in bilo ka hor shil ka dhacay galbeedka magaalada Hargeysa uu keenay dhimashada ilaa 14-qof oo dhallinyaro u badnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM