​Somaliland: Afar qof oo gaajo ugu geeriyootay Awdal

Image

BORAMA-Ugu yaraan afar qof oo carruur  iyo dad waayeel iskugu jira, ayaa macaluul iyo nafaqo darro ugu geeriyooday gobolka Awdal, sida madaxda gobolkaasi warbaahinta u xaqiijiyeen.

Dhimashada dadkan ayaa ka dhacday deegaanka Qolujeed ee dhinaca  Galbeed kaga beegan magaalada Borama, waxana  dhibaatadan salka ku haysaa abaar ba’an oo muddo dheer halkaas ka taagnayd.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inay caawimooyin dhinaca cuntada iyo daawooyinka ah gaadhsiin doonaan deegaananda dadkaasi ku geeriyoodeen, waxana uu baaq u direy xukuumadda iyo hay’adaha kale ee wax caawiya, isagoo ka codsaday inay gacan ka geystaan dhibaatada abaaraha ka dhalatay ee saamaynta ku yeelatay deegaankaas, isagoo iclaamiyey xaalad degdeg ah.

Dhibamashada dadkan Afarta ah, ayaa noqonaysa  tii ugu horraysay laga soo sheego deegaanada gobollada Galbeedka dalka oo abaaro ba’ani ka taagan yihiin, waxana xusid mudan in nafaqo-darro xooggan ku habsatay dadka iyo xoolaha halkaas ku nool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM