Somaliland: Cirro oo si kulul uga hadlay Dagaalka Tukaraq [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi [Cirro] ayaa wuxuu ka hadlay colaada ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan tuulada Tukaraq.

Wuxuu sheegay in Xisbigiisa uu ku baaqayo in la joojiyo dagaalka, islamarkaana ay kasoo horjeedaan dagaalka ay ciidamada Somaliland kula jiraan Puntland, wuxuuna cod dheer ku baaqay Nabada in laga wada shaqeeyo.

Gudoomiye Cirro ayaa tilmaamay in Somaliland aysan u baaheyn dagaal, ayna muhiim tahay inay si nabad ah ay kula noolaato deriskeeda, isagoo ku tar-tariisay maamulka Muuse Biixi inuu nabadda iyo xasiloonida gobolka ka shaqeeyo.

"Inkastoo aan garab taagan nahay Somaliland iyo ciidamadeena, hadana ku talin meyno in dagaal la huriyo, waxaana dooneynaa inaan ka qeyb qaadano sidii colaada loo dejin lahaa," ayuu yiri Cirro.

Baaqan nabadeed ee kasoo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland, wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Wareebe uu jeediyay hadalo kicin dadweyne ah, oo ku baaqayo in la dilo Ardayda kasoojeeda Puntland ee wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla deegaanada Somaliland.

Feysal ayaa hadalkiisa kala kulmay mucaarado xooggan iyo cambaareyn, maadaama uu yahay mid xasuuq horseedi kara, islamarkaana aan ka shaqeynenin maslaxadda shacabka labada dhinac, Puntland iyo Somaliland oo ah dad isku dhex-nool.

Dhanka kale, Xaaladda tuuladda Tukaraq ayaa waxay ahayd maalmihii u dambeeyay mid nabdoon, lamana soo warin wax dhaqdhaqaaqyo Ciidan ah oo ay ciidamada labadda dhinac sameynayeen, balse ma jirto wax waan-waan ah oo lagu dhameynayo colaadda ka taagan gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM