Somaliland iyo Imaraadka Carabta oo heshiis kale kala saxiixdey [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA,Somaliland- Dowlada Somaliland iyo wadanka Imaaadka Carabta ayaa maanta heshiis lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha ku kala saxiixdey magalaada Dubai ee wadanka Imaraadka Carabta.

Heshiiskaan oo lagu dhisayo waddo isku xirta magalada Bebera iyo dalka Ethiopia, dib u dhisid garoonka diyaardaha magalada Berbera ayaa daba socda heshiis lagu dhisayo dekada magaalo madaxda gobolka Saaxil.

Saxiixan heshiiskaan kadib ayaa madaxtooyada dowlada Somaliland waxay soo saartey warsaxafadeedkaan hoos ku Qoran: 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku  xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid  wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan wasiiradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM