Somaliland oo ka hadashay Lacag uga timid Dowladda Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Somaliland ayaa soo dhaweeysay lacag deeq ah oo uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo lagu caawinayo dadka ay saameysay duufaantii ku dhuftay deegaano katirsan maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Halkan Milyan ee Dollar ee Guddiga Gurmadka Qaranka dowladda Soomaaliya ay gaarsiin doonaan dadkii loogu tala-galay.

Wuxuu xusay in lacagtan aysan si toos ah ugu dhici doonin khasanadda Somaliland, maadaama ay tahay deeq loogu yaboohay shacabka dhibaateysan ee saameyeen roobabkii fatahaadda watay iyo duufaanta.

Dr Sacad ayaa carabka ku dhuftay in dhamaan lacagta lagu wareejin doono Guddiga Gurmadka ee Somaliland, si ay u gaarsiiyaan dadkii loo soo dhiibay.

"Inagaba waan u gurmanay markii ay Abaartu ku dhufatay, Sagaal boqol oo kun ayaan u dirnay Muqdisho, marka cid walba oo wax nala qabanayso waan soo dhaweynaynaa," ayuu yiri Dr Sacad.

Warka kasoo yeeray Somaliland ayaa imaanaya iyadoo dowladda Puntland ay dhawaan si adag uga soo horjeysatay lacagta loogu deeqay maamulka Hargeysa, iyadoo walaac ka muujisay in loo adeegsato colaada ka taagan gobolka Sool.

Gudiga difaaca Puntland ayaa sheegay shalay in deeqda lacageed ay u arkaan mid ay dowladda Federaalka ku garab-siinayso Somaliland dagaalka gobolka Sool, waxaana ay ka digeen in dhaqaalahan uu ku dhaco gacanta maamulka Muuse Biixi. [Halkan ka akhri Warka].

Somaliland iyo Puntland ayaa ka dhaxeeya colaad soo jireen ah, taasoo ku saabsan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn [SSC], oo mid walba uu sheeganayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM