​Somaliland oo mowqifkeeda ku adkaysatay

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Somaliland, taas oo ugu talo galay munaasibadda 25-guurada kasoo wareegtay waqtii ay shaacisay inay ka go'day Somalia inteeda kale.

Siilaanyo, ayaa khudbadiisa inteeda badan kusoo qaatay farriin dheer oo uu diray Somalia, waxana uu si cad u sheegay in shacabka Somaliland talo ku gareen inay noqdaan qaran madax bannaan oo aan qayb ka ahayn Somalia inteeda kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu dhammaaday midowgii horey u dhexmaray labadii dhinac ee Somalia iyo Somaliland, waxana xusay in midnimadaasi noqotay mid lagu hungoobay.

“Midowgii dhexmaray labadii dal ee Somalia iyo Somaliland 1960-kii waxa uu burburay 18-kii may 1991-kii, lamana mahadin midnimadii Soomaaliyeed ee muddada dheer la naawilayey, nasiibdarro waxa laga dhaxlay oo kali ah nacayb iyo dhib la dhexdhigay umaddii Soomaaliyeed ee hilowga iyo kalgacalka isu qabtay, dhinaca kalena sawirkaaas xumi waxa uu u quus gooyey, qaybihii kale ee quud-darraynayey inay mustaqbalka kusoo biiraan qaran weyn oo Somaliyi u dhan tahay,”Ayuu yir madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo, waxuu intaas ku daray in kala gurashada Somaliland ee ka dhanka ah Somalia tahay mid xaq ah, isagoo ammaan usoo jeediyay dadyoga Soomaalida ah ee ku dhaqan Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, isagoo yiri  “Hadii Soomaaliyi wada noolaan kari weyday waxa caqliga fayoobi ina farayaa inaynu iskeen ukala noolaanno, haddii aynu wax wada wadaagi kari weynona waxa furan in wax la kala yeesho, sidaas darteeda waxan aaminsanahay inay talo wanaagsan oo sax ah ay qaateen walaalaheena Soomaaliyeed eek u kala nool Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, waxana aan jeclahay inaan hambalyeeyo horumarka weyn ee ay ku tallaabsadeen”.

Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa isagoo hadalkiisa sii wata uu intaas ku daray “Waxan ahay oday waayo-arag ah, umana arko inay tahay Soomaalinimadu siyaasad iyo talo la wadaago, laakiin Somalinimadu waa sinji ka dhexeeya umad ballaaran oo aan dal iyo sawlad qura wada lahayn, beelweynta Soomaaliyeed ee aynu kamidka nahayna waxa mideeya afka iyo isirka oo kali ah.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si cad u sheegay in shacabka reer Somaliland ay ka bogsadeen qiiradii Soomaalinimada ee hore u hayn jirtey, isago Somalia ku eedeeyey inay jareen xiriirkii halbawlaha ahaa ee labada dhinac isu soo jidi jirey.

 “Duco-qabayaal marka ay dhegahayaga ay kusoo dhacda dhawaaqa SOOMAALIYEEY TOOSOO ISKU TIIRSADA, jibbadii na qaadi jirtey iyo jirkii na dubaaxin jirey xiriir dareemayaasha xambaarji jirey waydinkii jaray jirriddiisii, waxana aan idin leeyahay Soomaaliyeeyey gobonimadii la gardaadiyey iyo gaawihii la culay geelii deyr dhalka ahaa ee la isku sigtay idinkaa gudhiyey oo gacalkayoow gacantiina ku baabi’yey”.

“Walaalayaal waxanu nahay gob samirka iyo in la is ixtiraamo taqaanno, mana nihin dad caro hayso, mana nihin dad calool xun oo ciilkama korayaal ah, laakiin waxaa haboon inaad garwaaqsataan xaqiiqda hortiina taalla oo aad kala garataan shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin dadka reer Somaliland,” Ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa cadeeyey inay shacabka reer Somaliland go’aansadeen inay noqdaan dal gaar ah oo ka go’a Somalia inteeda kale, waxana uu Somalia usoo jeediyey inay talo gaar u ah mustaqbalkooda yeeshaan.

“Dadka iyo dalka aan odayga u ahay idiin ma soo socdaan oo way tashadeene idinkuna tashada oo aynu kala turxaan la’aano, haddii aanu ahayn shalay kuwii midnimadii doortay ee isku darkii labada dal ka dambayeeyey, maantana waxanu doorbidnay inaanu noqon dal gaar ah, waxanu sidoo kale dan moodnay inaynu kala noqono laba dal sidii aynu horeba u ahayn 56-sano ka hor,”Ayuu hadalkiisa raacshay.

Khudbaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawr jeer oo hore fashilmeen dadaalo lagu doonayo xal ka gaarista khilaafkaasi dhexyaalla labada dhinac iyo qaabkii looga shaqayn lahaa Somali midowda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM