Somaliland oo xaqiijisay dhimasho iyo kiisas horleh oo ah Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxay ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmareenka Coronavirus ka baartay 83 ruux markii la tuhmay.

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee 8-da June, 2020, waxaa cudurka la xaqiijiyey in ay la nool yihiin 19 kamid ah dadkaas.

Xili dhamaantooda ay yihiin muwaadiniin, haddana 12 kamid ah waa rag ama Lab, halka todoba kalena ay yihiin Dhedig ama Haween.

Bukaanadda cusub oo u badan kuwa la qaad-siiyey xanuunka sidda fudud u faafa ayaa ku kala nool; Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof.

Da'dooda ayaa lagu waramay in ay u dhaxeyso; 10jir ilaa 19jir = 1 qof,20jir ilaa 29jir = 9 qof, 30jir ilaa 39jir = 3 qof, 40jir ilaa 49jir = 3 qof, 50jir ilaa 59jir = 1 qof, 60jir ilaa 69jir = 1 qof iyo 80jir ilaa 89jir = 1 qof.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 9 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sadex iyo Todobatan (73)," ayay raacisay warbixinta.

Waxaa lagu soo xiray: "Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Burco kuna dhintay dalka dibadiisa, da'diisuna ahayd 52 jirtaasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland 25".

Tiradda guud ee xaaladaha Covid-19 ee degaanadda Somaliland ayaa sii cagacageyneysa 449. Intaas waxaa wehlisa, wadarta laga baarey caabuqa dilaaga ah tan iyo markii uu dilaacay waxay mareysaa 1,819.

GAROWE ONNLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM