Xisbiga WADDANI oo Digniin kasoo saaray Doorashada Somaliland [DAAWO]

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland, wuxuu eedayn dusha uga duuray Guddiga doorashooyinka maamulkaas [NEC].

WADANI, ayaa ku eedeeyay Guddigan inuu la safanyahay garabka Muuse Biixi ee Kulmiyay islamarkaana ay jiraan codad la is-daba mariyay.

Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey.

Sidoo kale waxaa shir saxaafadeedka Xisbigan lagu sheegay inay WADANI uu joojiyay wada-shaqayntiii uu la lahaa Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Sababta wuxuu ku sheegay inay ka jawaabi waayeen cabashooyin horey ay ugu soo gudbiyeen, kuwaasoo ay ku jirto mas'uuliyiin katirsan xisbiga oo la xiray iyo waxyaabo la xariiray tabashooyin ay ka keeneen doorashadii dhacday 13 bishan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli aan wali la shaacin natiijada doorashada sidoo kalena ay dhaliilo ka muujiyeen qaabka ay wax u dhaceen Isniintii lasoo dhaafay korjoogtada caalamiga ah ee ku sugan Hargaysa. Shir ay kor joogtadu qabatay waxay ku shaaciyeen inay jireen khaladaad dhacay waqtigii lagu guda jiray codaynta kuwaasoo ay kamid ahayd inay codka dhiibteen dad aan qaangaar ahayn.

Balse sidaas si lamid ah waxaa beesha caalamku ammaantay doorashadii ka dhacday Somaliland, waxaana shir ay lahaayeen Xildhibaanada Ingiriiska oo ay joogtay Ra'isal wasaaraha dalkaas mudane kamid ah golaha shacabka uu cadeeyay in doorashadaas ay ahayd mid taariikhi ah.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland oo iminka ku mashquulsan tirinta codadka.

Dhinaca kale waxaa jira dabaal dagyo iyo guulo ay sheeganayaa axsaabta is haysa ee Kulmiye iyo Wadani kuwaasoo midba midka kale leeyahay guusha anagaa hantinay.

Hoos ka daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM