Xisbiga UCID oo weerar afka ah ku qaaday dowlada Jabuuti [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Jabuuti oo dariska lah maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Xoghayaha arimaha gudaha xisbigaasi ayaa ku eedeeyay Jabuuti in ay "shirqool" u maleegayso ganacsiga iyo ganacstada maamulkaasi.

Maxamuud Saleebaan Ramaax oo qiray in Jabuuti aanu aqoonsaneen gooni isu taaga Somaliland ayaa ku daray liiska dalalka cadowga u arko maamulkaasi.

"Mu'aamarayadaasi oo lagu kala qaybinayo dadkaan, laguna shaki gelinayo maal-gashatada waxaa soo aabulay cadowga Somaliland … sidaan ognahay dalal badan ma aqoonsan gooni isku taageena … Jabuutina ma aqoonsana," ayuu yiri.

Mr Maxamed oo hadalka sii wata ayaa ku booriyay xukuumada maamulka Muuse Biixi in uu wax ka qabto arrimahaasi uu farta ku fiiqay.

"Hadii aynu mucaaradna nahay ma ahan in aan waxba naga gelin qaranka … xukuumada waxaan u sheegaynaa in ay iska hagaajiso dul-duleeladeeda," ayuu hadalkiisa kusii daray xoghaye Maxamuud.

Hadalka mas'uulkaan ka tirsan xisbiga UCID ayaa imaanaya iyada oo la sheegay in ay Jabuuti codsatay in loosoo gacan-geliyo ganacsade reer Somaliland ah si loogu qaado dacwad aanan la shaacin waxay tahay.

"Aniga ma ahi qareen … balse qofka dacwada loo haysto waa in lagu maxkamadeeyo meesha uu dambiga ku galay … waxaase loo wareejin karaa meel kale marka uu isaga raali ka yahay," ayuu daba dhigay.

Ramaax ma uusan soo bandhigin rasmi ahaan waxay yihiin shirqoolada uu ka dhawaajiyay. Si lamid ah, wali ma jirto wax jawaab ah oo ay Jabuuti arrinkaasi ka bixisay.

Jabuuti oo horey uga mid ahayd Soomaaliya balse xorriyad la siiyay iyo Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii ayaa leh iskaashi amni, mid dhaqaale iyo siyaasad waxaana hadalka xisbiga UCID laga cabsi qaba in uu saameeyo cilaaqaadkaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM